Bisha June 2023 Warbixinta Somaliland Baarlamaanka Maraykanka Ayaa Lagu Fallanqeyn Doonaa” Bashiir Goth

0
414

Washington (Dawan)- Safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka Md. Bashiir Goth ayaa sheegay inuu wax badan ka bedeli doono qadiyadda Somaliland xeerka iskaashiga Maraykanka, isla markaana ay tahay markii koowaad ee magaca Somaliland uu ku soo baxo qaanuun uu saxeexay Madaxweynaha Maraykanka.

Safiirka Somaliland Bashiir oo shalay uga waramayey Sahra Ciidle Nuur, weriyaha idaacada VOA Soomali ayaa sheegay in taariikhda Somaliland 31 sannadood in markii koowaad magaca Somaliland ku soo baxo qaanuun uu saxeexay Madaxweynaha Maraykanka.

Safiir Bashiir ayaa sheegay in xeerka cusub ku amrayo Wasaarada Arrimaha Dibedda, Wasaarada Difaaca iyo hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) inay warbixinnno joogto ah u keenaan baarlamaanka Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka dhinaca amaanka, diblomaasiyada iyo horumarka.

Mar la weydiiyey maadama Madaxweynaha Maraykanku saxeexay Xeerka Difaaca, qaabka Somaliland ku soo gashay ayaa ku jawaabay,

“deddaalo balaadhan oo xukuumadu samaysay, sidii booqashii wefdigii Madaxweyne Md. Muuse ku yimi Maraykanka, kulamo muiim ahna la yeeshay goleyaasha sharcidejinta iyo xukuumada ayaa abuuray in xildhibaano labada golle ay curiyaan xeerar xoojinaya iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland.

Wakiilka Somaliland ayaa sheegay in xeerkani yahay mid labada xisbi ee Maraykanku wada taageereen, waxaana bisha June laga sugayaa Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Wasaarada Difaaca Maraykanka inay Baarlamaanka u soo gudbiyaan warbixinta Somaliland ee xoojinta xidhiidhka difaaca, diblomaasiyada iyo horumarinta.

Mar la weydiiyey Wakiil Good muhiimada ugu jirta Somaliland ayuu ku jawaabay, waa guul u soo hoyatay Somaliland wax weyna ka qaadanaysa hiigsigeeda aqoonsi caalami ah ee caalamka ay ka hesho

 

 

 

Leave a Reply