Wefti Ka Socda Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyay Gobolka Saaxil

0
385

Berbera (Dawan) Wefti ballaadhan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo socdaal shaqo oo la xidhiidha wacyigelinta iyo dhiirrigelinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ku tagay Gobolka Saaxil, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey degmooyinka Laasgeel iyo Mandheera.

Weftigan ayaa intii ay degaanadaasi ku sugnaayeen ayaa ka bilaabay halkaasi dardargelinta hawlaha diwaangeilnta iyo sidii bulshada loogu wacyigelinlahaa qaadashada kaadhka codbixinta oo dhawaan dalka ka bilaabmaysa

Weftiga oo ay xubno ka yihiin wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Gaadiidka iyo hrumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Maxamed, xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali ,Guddoomiyeyaal iyo Saraakiil sarsar oo xisbiga ah, waxa degmooyinkaa ay sii mareen ku soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo ka mid ah taageerayaasha KULMIYE oo ay wehelinayeen madaxda heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga, iyagoo masuuliyiinta weftigu shacabkii soo dhaweeyey kala hadlay barxadaha xafiisyo xisbiga ay uga fureen magaalooyinka Dacar-budhuq iyo Abdaal ee xarumaha degmooyinka Laasgeel iyo Mandheera.

Masuuliyinta dawladda iyo xisbil xaakimka KULMIYE ayaa toddobaadyadii u danbeeyay ku hawlana ku baraarujinta bulshada reer Somaliland sidii ay u qaadanlahaayeen kaadhka diwaangelinta codbixiyaasha oo 28-ka bishan ka bilaabmaysa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, weftiyo kuwan oo kale ayaa u kala baxay gobollada bariga iyo galbeedka isla markaana bulshada ku wacyigelinayay sidii ay kaadhka u qaadanlahaayeen xaqooda dastuuriga ahna u sugilahaayeen.

 

Leave a Reply