Codka Isbadalka Cimiladda Adduunka iyo Kay-maynta

0
281

Akhristeyaal qormadeenta todobaadkan ee DEEGAAN JRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa laba qormo oo kala ku saabsan arrimaha isbedelka cimiladda adduunka iyo dhibaatooyinka ka kala duwan ee ka dhashay.

Qormadda hore ayaana u dhigan sidan: Isbadalka cimiladu ma ahan shay la odhan karo dhulka Soomaaliyeed qayb bay ka yihin sababtooda. Guud ahaan Africa ba waxay adduunka ku kordhisaa cadad dhan 3.8%, China oo 23%, USA oo 19%  ah iyo Yurub oo dhan oo 13%  soo daaya.

Marka loo eego aduunyada kale oo dhan waxaynu ka nahay meesha ugu yar, hoos uga soo deg ka Soomaali ahaan intee baan adduunka ku darnaa? Waxaan odhan karnaa 0%, iyada oo taasi jirta na waxaan nahay wadamada ugu badan oo la kulma saamaynta isbadalka cimiladda.

Tallo bixin- Maxaan u baahanahay?

1: Faham isbadalka cimilada aslan waxa u yahay (Nasiib darada jirta badi dadka hada arrimaha ka hadla ma ahan dad aad wax u baadha ama se u bartay si cilmiyaysan, xitaa wasaaradaha dawlada badi ma fahamsan mawduucan).

2: U qareemid ( Advocacy ) si cilmiyaysan in loo sameeyo qayla dhaan sida maqaalo,  cilmi baadhis, doodo iyo IWM.

3: Cadaalad deegaan ( Environmental justice) aragtidani waa mida kaliya ee adduunka lagula doodi karo marka tan laga hadlayo waxa jira xeer la dhaho “polluter pay principle” oo 1971 aduunku isku raacay macnihiisuna yahay wadan walba in uu bixiyo xadiga dikhow u soo daayey, si loogu caawiyo wadamada saamayntu ka dhacday, ka Somaali ahaan way jiraan waxyaallo inaka so gaadhay taas.

4: Baahin cilmiga deegaanka ( Environmental education)- in dadka wax la baro waa shayga keliya ee fahamka dadka ee dhanka deegaanka kor u qaadi karta.

Saddexda tallo marka aan yeelno baan waxaan u baahanaynaa in aan kor u qaadno ilaalinta degaanka (Environmental conservation) sida; A: Olole Dhir beeris (plantation campaign). B: Dhulka nabaad guuray in ilaaliyo sida boholaha (erosion controls). C: Biyo qabsasho (Water storage).

Qaybta labaad ee qormdeena DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa, KAYMAYNTA (FORESTRY).

Burburinta iyo xaaqida kaymuhu waxay si weyn u sababaan carro guurka (soil erosion), hayaanka/ dabar go’a noolaha kala duwan (loss of biodiversity) iyo khal-khal gallinta nidaamka biyaha, iyagoo sidoo kale abuura neefaha cagaaran ee sababa doorsoonka cimilada.

 

Burburinta iyo xasuuqa ku dhaca kaymaha caalamku wuxuu si toosa u taaban doonaa nolasha aadamaha (livelihood) isagoo keenayaa in 44-64 milyan qof ay ku shaqo beelaan halka 410 milyan oo qof oo ahaa dhaladka deegaanada (indigenous people) iyo wadamadoodaba (gaar ahaan wadamada dhaqaalahoodu liito/soo korayo) uu saameynayo. Wadamadan (dadka) ayaa ah kuwa si toosa ugu tiirsan dhul kaymeedka (tusaale ahaan tamarta oo ay ugu horeyso dhuxushu).

Iyadoon si cilmiyeysan loo maamulin isticmaalka iyo ka faa’iideysiga kaymaha ayaa sababi karta saameynta nololeed oo u balaadhan.

Kaymaha ayaa noqon kara amaba ah tamarta waarta marka la qaato fikrada horumarka waarra (Sustainable Development practices), iyagoo noqonayaa (ahaa) adeega ugu weyn ee deegaanka lagga helo ee aan dhamaaneyn.

Isweydiinaha mudan ee sida tooska u xoojin kara ka hortaga xasuuqa kaymaha (dhirta) iyo ka faa’iideysigooda waarra ayaa ah; hirgalinta iyo awoodeynta sharciyada (legislation enforcement and enabling). Sidoo kalena dar-dar gallinta ficilada kobcinaya nidaamka waarra; xakamaynta (conservation), dib u kaymaynta (reforestation), is dhexgalinta wax soo saarka iyo kaymaynta (agroforestry) iyo sidoo kale maamulka toosan.

Tanni waxay ka hortagaysaa cawaaqibka doorsoonka cimilada (climate change impacts), laga bilaabo heer degmo, mid qaran, mid gobol iyo mid heer caalami ba.

 

 

 

 

Leave a Reply