Real Madrid oo Gaadhay Go’aan Burburiyey Riyadii Mustaqbalka Xiddiga Reer France ee Mbappe

0
270

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa burburinaysa riyadii xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, kaddib markii ay gaadhay go’aan la xidhiidha qorshaha suuqa ee xilli ciyaareedka dambe, waxaanay ku samir doonaan Benzema oo ay ku sugi doonaan Endrick.

Kylian Mbappe iyo Real Madrid ayaa laba waddo kala qaaday bishii May markii uu laacibkani heshiiska u cusboonaysiiyey PSG ee uu saddex sannadood oo kale u saxeexay, hase yeeshee lix bilood kaddib heshiiskaas ayaa waxa soo baxaya in laacibkani aanu ku faraxsanayn Parc des Princes oo uu doonayo inuu iskaga tago.

Real Madrid ayaa mar walba ahad riyada Kylian Mbappe oo illaa yaraantiisii uu doonayay inuu u ciyaaro, hase yeeshee Los Blancos oo qalbi-jab ka qaadday laacibkan markii uu kaga baxay ballamo ay isku ogaayeen isla markaana heshiiska u cusboonaysiiyey PSG ayaa waxay go’aansatay in ay faraha ka laabato oo aanay mar dambe isku dayin saxeexiisa.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Real Madrid ayaa go’aansatay in aanay mar dambe waqti iskaga lumin Mbappe oo ay kaliya aaminto xiddigaha ay haysato iyada oo heshiis cusub oo laba sannadood ah laga saxeexayo Karim Benzema isla markaana 18 bilood kaddib uu Santiago Bernabeu soo gaadhi doono mucjisada Brazil ee Endrick.

Warka ayaa intaa ku daray, in dedaal dambe aanu Florentino Perez gelin doonin Mbappe oo uu hore u aaminay laakiin kaga baxay ballankii ay wada galeen, balse haddii uu laacibkani si xor ah ugu soo wareegayo ay soo dhoweyn doonaan.

Leave a Reply