Lix Ciyaartoy oo United ka Maqnaan Doona Kulanka Salaasadda ee Horyaalka Premier League

0
329

Manchester United ayay lix ciyaartoy oo kooxda koowaad ahi ka maqnaan doonaan ciyaarta Salaasada ee horyaalka Premier League ee ay garoonka Old Traford ku martigelin doonaan Nottingham Forest.

Kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League ee Nottingham ayaa booqan doonta Manchester United malmo kaddib markii ay usoo gudubtay wareegga siddeedda Carabao Cup ee ay 4-1 iku garaacday Blackburn Rovers, waxaanay u tegi doonta Red Devils oo ay suurtogal tahay inay ka maqnaadaan dersin ciyaartooyo ah oo shaki la gelinayo inay qayb ka noqon doonaan ciyaartan.

Erik ten Hag ayaa xaqiijiyey in difaaca dhexe ee Lisandro Martinez uu wali ku maqan yahay fasaxa kaddib markii uu xulkiisa Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka, waxaana sidoo kale maqan oo oo dhaawac ah Jadon Sancho iyo Axel Tuanzebe oo dhaawacyo ah.

United ayaa rajaynaysa inay dib u hesho Diogo Dalot, Harry Maguire iyo Raphael Varane oo Koobka Adduunka kaddib galay fasaxyo, hase yeeshee illaa hadda lama hubo inay soo wada noqon doonaan iyo inay qaarkood maqnaan doonaan.

Harry Maguire ayaa xanuunsaday kaddib markii uu xulkiisa England ka hadhay Koobka Adduunka, sidaas ayaanu uga maqnaaday kulankii Carabao Cup ee Burnley oo uu difaaca dhexe ka ciyaaray Casemiro.

Leave a Reply