Wasiir Kaahin oo ka hadlay Ujeedada Socdaalkiisa gobolka Togdheer

0
217

Burco (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Weftiga uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Burco ayaa sheegay.

Wefdi Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed oo xubno ka ahaayeen Wasiir-xigeenka Maaliyadda Maewo Rooda Jaamac Cilmi iyo masuuliyiin kale ayey soo dhoweeyeen Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Nafoqo iyo Maayorka Degmada Burco Cabdirisaaq Hiiroo, Maayar Kuxigeenka Burco iyo Masuuliinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer iyo bulshada magaalada Burco.

Ugu horayn waxaa goobta hadalo soo dhowawn ah ka jeediyey Gudoomiye Gobolka Togdheer iyo Maayorka Degmada Burco oo weftiga uga mahadnaqay booqashadooda Gobolka Togdheer, iyadoo oo loo diyaar garoobayo diiwaangelinta kaadh qaatashada muwaadiniinta oo dalka oo dhan ka bilaabmaysa 28-12-2022.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo uuga mahadceliyey masuuliyiinta iyo shacabka ku soo dhoweeyey Caasimada labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in muhiimada safarkoodu tahay dardar-gelinta iyo u diyaar garowga hawlaha diiwaangelinta, taasoo laga wada shaqaynayo.

Hawsha Diiwaangelinta shalay ayaa la daahfuray dhamaan saddexii Xsibi iyo tobanka urur way joogeen, sidaa ayaa la isla qaatay ayuu sheegay Wasiir Kaahin.

Wefdiga oo la sheegay muddo maalmo ah ku sugnaan doono gobolka Togdheer ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato guud bulshada Gobolka Togdheer iyo Laamaha Dawladda ee magaalada Burco.

 

Leave a Reply