Gaadhi Gurmadka Deg-dega ah oo lagu Wareejiyey Gobolka Togdheer

0
533

Burco (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa masuuliyiinta wasaaradda xannaanada xoolaha ee gobolka Togdheer si rasmiya ugu wareejiyay gaadhi loogu talo galay gurmadka deg-dega ah ee loo fidinaayo xoolaha iyo Kalluunka, kaas oo ah mid qalabkiisii u dhameystiran yihiin sida daawooyinkii iyo shaybaadhkii.

Siciid Sulub Maxamed wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland, ayaa sheegay in uu gaadhigani dabooli doono baahidii ka jirtay degaanada Togdheer iyo Saaxil, ee xagga xoolaha iyo kalluunka, waxa uu intaas raaciyay in ay jiraan laba gaadhi oo kale kuwaas oo uu tilmaamay in ay ugu tallogaleen gobollada Maroodijeex, Awdal, Sool iyo Sanaag, isla markaana ay dhawaan ku wareejin doonaan xarumaha wasaarada xannaanada xooluhu ku leedahay gobolladaas.

Geesta kale waxa uu intaas ku daray in gaadhigan uu qalabkiisi u dhammeystiran yahay iyo dhakhaatiirtii ku shaqaynlahaydba iyo qaboojiyayaashii dawooyinka iyo tallaalkaba, dhiigi xoolaha laga qaadayay iyo qaliinkii xoolaha fudud lagu sameynayayba.

Gaba’gabadii waxa uu kula dardaarmay masuuliyiinta ay guddoonsiin doonaan baabuurta kale ee ay ugu talo galeen goboollada dalka in ay ilaaliyaan , dhaqaaleeyaan kaliyana ay u baxaan marka ay jiraan safari deg deg ahi, ama degaanada ka fogfog meelaha xarumaha caafimaadka ee xooluhu yihiin, waxaanu xusay in ay arrintani ka mid tahay himiladii iyo higsigii ka wasaarad ahaan ay doonayeen meelkasta oo xooluhu ku nool yihiin in adeegyada caafimaadka ay gaadhsiiyaan.

 

 

Leave a Reply