Gabiley: Xafladda Shaacinta Diwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
335

Gabiley (Dawan): Wefti wasiirro iyo masuuliyiin kale iskugu jira oo uu hogaaminyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta, iyo Tognoolajiyadda JSL Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa shalay gaadhay magaaladda Gabiley.

Waxaana weftigaasi ka mid ah wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud C/laahi Abokor Siciid, wasiirka Macdanga iyo Tamarta, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Siciid Xasan Habane, xildhibaano ka tirsan goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidda ee JSL.

Wasiir ku-xigeenadda wasaarradaha Waxbashadda, Xaanadda Xoolaha, agaasimeyaal guud, Siyaasiyiin, madax dhaqameed, iyo masuuliyiin kale.

Weftigaasi markii ay gaadheen magaaladda Gabiley waxaa halkaa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka, iyo ka degmadda Gabiley.

U jeedadda socdaalka wasiirradaasi ay ku tegeen Gabiley ayaa la xidhiidhay ka qayb galka xafladda shaacinta wacyigelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo la filayo in ay maanta dalka ka bilaabanto.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo weftigan soo dhaweeyay ayaa xubnahan wasiirrada iyo masuuliyiinta ah uga mahad celiyay in ay kala soo qayb galaan shaacinta bilawga diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaanu sheegay badhasaabku in ay sharaf iyo muhiimad weyn ba u tahay in wefti heer wasiirro ah ay goob joog ka noqdaan munaasibadda shaacinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Gabiley.

Iyadoona goobaha laga qaadanayo kaadhka codbixinta ee Gabiley ay ka kooban yihiin 8 goobood, sida ay hore u shaaciyeen komishanka doorashooyinka JSL.

Sidaas darteed na maadaama oo ay goobuhu aad u kooban yihiin, isla markaana wakhtiga ay diiwaan-gelintu soconaysaa ay kooban taha.

Sidoo kale ay bulsho aad u tiro badan ku nool yihiin gobolka Gabiley, in ay lagama maar-maan tahay in dadweynaha si weyn loogu wacyigeliyo in ay fursadan ka faa’iidaystaan oo ay is-diiwaan-geliyaan qaataa na kaadhka codbixinta.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta, iyo Tognoolajiyadda JSL oo kulankaasi ka hadlay ayaa bulshadda gobolka Gabiley ku baraarujiyay in ay is-diiwaan geliyaan, isagoona sharaxay qaybaha bulshadda ee looga baahan yahay in qy qaataan kaadhka codbixinta.

Waxaanu yidhi, “Gabiley cod badan ayaa lagu yaqaanaa, maanta ayaynu mar kale fursad u haysanaa in aynu is-diiwaan-gelino. Waxaa jira dad da’a yaraa diiwaan-gelintii hore, dad aan hore is-diiwaan gelinin, kuwa maqnaa xiligaa, dad aan wakhtigii hore fursad u helin, iyo kuwo inta ay is-diiwaan geliyeen Warraaqo la siiyay, oo aan kaadhadhkii qaadan.

Dadkaas oo dhan ayaa mar kale fursad u helaya in ay kaadhadhka qaataan”.

Wasiir C/weli Sheekh Suufi, ayaa bulshadda Gabiley kula dar-daarmay in ay muujiyaan dedaalkii lagu yaqaanay ee xagga tirro badnaanta bulshadda ka codaysa xiliga doorashooyinka.

“Bulshadda reer Gabiley, waxaa la idiinka baahan yahay gobolka Gabiley inuu qaato doorkiisii lagu yaqaanay, oo aynu hormood ka noqono hawshaa diiwaangelinta ee dalka ka socota” ayuu yidhi wasiir C/weli Suufi.

Geesta kale xubnihii wasiirrada iyo masuuliyiinta ahaa ee xafladaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ba waxay bulshadda gobolka Gabiley ugu baaqeen in ay si balaadhan ugu soo baxaan qaadashadda kaadhka codbixinta.

 

 

Leave a Reply