Golaha wakiilada oo Kulan la yeeshay Jimciyada Quraanka

0
241

Hargeysa (Dawan) Guddi hoosaadka arrimaha shareecada dhaqanka iyo qoyska ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta ururka jimciyadaha Qur’aanka Kariimka.

Waxa xafiiska guddida arrimaha shareecada ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Jimciyadaha Qur’aanka Kariimka ah guddoomiyaha Sheekh Axmed Dayib Aadan iyo xubnaha guddidaasi, isla markaana uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen yeedhmadii loo yeedhay.

Kulan ayaa ujeedadiisu ahayd in Jimciyadahan kala duwan ee ka shaqeeya Qur’aanka Kariimka ah in laga wareysto goobaha lagu barto Kalaamka ILLAAHEY iyo sidii loo horumarinlahaa

Gaba’gabadii waxa kulankaasi la isla qaatay guddi hoosaadka arrimaha shareecada dhaqanka iyo qoyska ee golaha wakiilladda iyo jimciyadaha Qur’aanka Kariimka ah si joogta ah uwada shaqeeyaan.

Maaha kulankii u horeeyay ee sidan oo kale ay ula kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku foogan gaadhsiinta Qur’aanka Kariimka bulshada.

 

 

 

 

Leave a Reply