Kalluunka oo Qani ku ah Fiitamiin D oo Jidhku Dadka ka Yaraada Xilliga Qaboobaha

0
262

Kalluunku wuxuu ka kooban yahay oo uu leeyahay qaybo badan oo caafimaad oo aanay cuntooyinka kale lahayn, kuwaasoo isku dheeli tiran oo nafaqo leh. Dadka isticmaala wuxuu siiyaa nafaqooyin waxaanu dhisaa jidhka, waxaanu si fiican uga shaqaysiiyaa unugyada aadamaha sidoo kale joogtaynta kalluunku waxay yareysaa dufanka raaca dhiigga, waxaanu si wanaagsan u caawiyaa hawlaha shaqo ee maskaxda. Intaa waxaa dheer  oo kalluunka ku jira tiro ka mid ah fitamiinada iyo macdanaha kala duwan, kuwaasoo la caddeeyay inay muhiim u yihiin caafimaadka qofka.

Kalluunka waxa ku jira fiitamiin D. Inkastoo unugyada maqaarka gudahood ku ku jiraa ay fiitamiinkan ka helaan iftiinka cadceedda, dadka haysta qorax xadidan oo ay dhici karto inuu ku yaraado fiitamiinka D, isla markaana uu sababo hab nololeedkooda ama kuwa ku nool cimiladu sare ee loolka , ayaa sidoo kale u baahan inay isticmaalaan kalluunka si ay uga helaan fiitamiin D. Fiitamiin D wuxuu caawiyaa dhismaha lafaha iyo muruqyada, isla markaana waxa uu door weyn ku leeyahay caafimaadka bani’aadamka.Noocyada kalluunka ee laga helo fiitamiin D waxa ka mid ah, salmon , mackerel iyo sardines, waxaanay noocyadan kalluunka ay cuntadaada ka caawin karaan aad kaga hortagto inuu jidhkaaga ku yaraado fiitamiin D.

Sida aynu kor kusoo xusnay waxa ku jira kalluunka oo laga helaa Fiitamiin D, kaasoo si gaar ah dadka ugu wanaagsan xilliga jiilaalka ee qabawgu jiro, isagoo xilligaa jidhka ka yaraada, maadaama oo sidoo kale laga helo falaadhaha cadceedda.

Leave a Reply