Kalluunka oo laga Helo Shan Faa’iido oo Muhiim ah

0
418

Kalluunku wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadani waxay aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jidhku sooma saaro, sidaa darteed waxaa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan Kalluunka.

Kalluunku wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca caafimaad waxyeeleeyaa kuma badna. Sidaa darteed wuxuu u wanaagsan yahay dadka dagaalka kula jira cayilka, waxa uu sidoo kale u fiican yahay wadnaha iyo xididada oo wuxuu furfuraa hanaanka wareegga dhiigga.

Wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsanvyahay shaqada jidhka guud ahaaneed iyo dhismaha murqyada iyo hagaajinta shaqadooda.

Waxyaabaha kale ee ku badan kalluunka, isla markaana la helo waxa ka mid ah vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macdano muhiim u ah shaqada jidhka.

Wuxuu ka hortag u yahay cudurrada qaar, wuxuuna dawo u yahay xanuunnada kala-goysyada iyo kuwa kale. Faa’iidooyinkaas iyo kuwa kaleba waxay inagu dhiirigelinayaan cunista hilibka kalluunka ugu yaraan todobbaadkii hal mar.

Leave a Reply