Real Madrid oo Xidig uu ku Xisaabtamayo Erik Ten Hag kasoo Afduubanaysa Old Trafford

0
306

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka inkaarsanaysa Manchester United oo ay ku qaadayso weerar ay kaga soo qafaalanayso xoiddiga da’da yar ee Erik ten Hag uu isku illowsiinayo bixitaankii Cristiano Ronaldo ee Alejandro Garnacho.

Xiddigan da’da yar ee reer Argentina oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan da’yarta soo kacaysa ee waqtigan ka ciyaarta Yurub ayaa waxa si weyn ula dhacsan tababare Carlo Ancelotti oo uga gacan haadinaya Santiago Bernabeu.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central, Alejandro Garnacho oo qandaraaskiisa Manchester United uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayay Los Blancos isku dayaysaa in ay ku qanciso in aanu heshiis cusub u saxeexin Red Devils oo uu si xor ah ugu soo wareego.

Los Blancos oo beddeshay siyaasaddeeda ah inay xiddigo waaweyn soo iibsato oo ay lacago badan kaga baxdo, ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxay soo urursanaysay ciyaartooyo da’yar ah oo uu ugu dambeeyey Endrick oo ay kooxda reer Brazil ee Palmeiras kala saxeexdeen.

Garnacho ayay Madrid doonaysaa in uu noqdo ciyaartoygii labaad ee ay suuqa January la saxeexdaan, maadaama uu laacibkani xor u noqonayo inuu maalmo kaddib heshiis hordhac ah usii saxeexo Real Madrid, waxaana haddii uu yimaaddo Bernabeu ay mustaqbalka iska garab ciyaari doonaan Fede Valverde, Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Endrick Felipe.

Leave a Reply