Saddex Shuruudood oo Xavi ku Beddelayo Robert Lewandowski

0
479

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa illaa Jimcihii ogeyd in ay luminayso weeraryahankeeda Robert Lewandowski ee goolasha ugu badana u dhaliyey xilli ciyaareedkan, waxaana tababare Xavi Hernandez uu walwal weyn ka qabaa sidii uu u heli lahaa beddelka laacibkan.

Barcelona oo hoggaanka u haysa horyaalka LaLiga ayaa u dhibaatoon doonta Lewandowski oo saddex ciyaarood oo isku xiga aan qayb ka noqon doonin.

Maxkamadda ayaa Barcelona  ka diidday rafcaan ay u gudbisay, waxaana Jimicihii oo ay jawaabta heleen lagu wargeliyey in maxkamaddu aanay waxba ka beddelin ganaaxii uu LaLiga ku riday gool-dhaliyaha reer Poland.

Ansu Fati, Memphis Depay iyo Ferran Torres ayaa ah ciyaartoyda uu Xavi u kala dooran doono kulamada Espanyol, Atletico Madrid iyo Getafe oo iskugu xiga.

Weeraryahanka Spain ee Ferran Torres ayaa la rumaysan yahay in uu Xavi kalsooni badan ku qabo marka loo eego labada kale, balse xaqiiqadu waxay tahay in Memphis uu bandhig heersare ah ka sameeyey Koobkii Adduunka, halka Fati uu noqonayo dookha saddexaad.

Lewandowsxki oo hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka Spain ee LaLiga ayaa waxa uu saxeexay 13 gool oo sabab u noqotay in Barcelona ay laba dhibcood ka horreyso Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Saddexda ciyaartoy ee beddelaya saddexda kulan ee uu maqan yahay ayaa iyaguna isu-geyn waxay dhaliyeen lix gool. Fati ayaa saddex saxeexay, halka Ferran uu laba gool dhaliyey, sidoo kalena Memphis uu hal mar shabaqa soo taabtay.

Leave a Reply