Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo Doortay Hogaan Cusub

0
305

Hargeysa (Dawan) Shirweynihii tobnaad ee Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo labo cisho socday ayaa lagu doortay hogaanka ururka u hogaamin doona saddexda sanno ee soo socda.

Guddoomiyaha dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Bedri Xasan Muxumed ayaa 71 ergay ugu doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Tobnaad ee dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO kaas oo hogaamin doona saddexda sanno ee soo socda.

Waxa kale cod aqlabiyad ah loogu doortay 19 xubnood oo ka kala socday lix gobol ee Somaliland in ay noqdaan golaha tobnaad ee dallada dhallinyarada heer qaran ee SONYO.

Sidoo kale Hogaankii hore dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo hadalo ka jeediyay halkaas ayaa waxa ay sheegeen wixii u qabsoomay mudadii ay xilka hayeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply