Ilaali Xaqa Ubadka iyo Waalidkaba si uu adna Allaah kuu siiyo guul aakhiro iyo mid aduunba.

0
360

Qormadeena todobaadkan waxaan kaga hadli doona xuquuda waalidka inaga oo wax badan ka ogaan doona, haddaba akhristoow haddii aan ku horayno waxa waalidka ku waajibka ah qaar ka mida, Waalidku waxay xuquuq u leeyihiin waajibna ku ah inay ugu horayn aabo kasta iyo hooyo kastaaba ubadkooda u dooraan qof wanaagsan marka ay rabaan in ay raadiyaan cidii ay nolosha la wadaagayaan taas oo ka caawin karta sidii ay hadhaw u soo dhisi lahaayeen haddii uu rabi siiyo awlaad wanaagsan, sidoo kale waxa waajib ku ah daryeelaan nolosha wanaagsan ee carruurtooda, Waalidka xilka saaran waa inay ilmahooda ku daryeelaan oo ku barbaariyaan deegaan leh nabadgelyo iyo waxay ku madadaashaan, waa inay ilmaha u suurageliyaan inuu helo waxbarasho isaga ku haboon.

Sida caadiga ah waalidku xaq bay u leeyihiin inay go’aan ka gaadhaan waxyaabaha ku saabsan ilmohooda daryeelkiisa, barbaarintiisa, degmada uu ku noolaanayo iyo waxyaabaha kale ee ilmaha khuseeya. Marka go’aamada la gaadhayana waa in la tixgeliyaa ilmaha fikradiisa.

Geesta kale dhamaanteen waalidkeenu xaq ayay inagu leeyihiin taas oo ay qasab tahay in aynu sideeda uga soo baxno Culimadeenu way ka hadleen muxaadarooyin iyo wacdina way ugu sheegeen intii aan aqoonta u laheyn xuquuqda waaliku ku leeyahay ubadkiisa waxaana lagu soo koobay waalidka oo baari loo noqdo.

Culimadu way baraarujiyeen cid walba waxayna noo sheegeen in baarinimada waalidka lagu gaadhi karo JANNO.

Waalidka ha cannaanan hana ku dhihin hadal xun oo ay dhibsadaan, ogow inaan xaqa waalidka la gudi karin.

Hadaad labadaada waalid soo gaadho ama midkood oo aad ka kasban weydo janno waxaad noqotay mid khasaaray aduun iyo aakhiraba.

Ammarka waalidka oo aad diido waxaad ku muteysan NAAR. Camal waxaa ugu fiican salaadda oo aad waqtigeeda la tukado, camalkaas kan xiga ama qodobka labaadna waa waalidka oo loo asxaan falo.

Xaqa hooyada ayaa saddex jeer ka badan xaqa uu aabuhu kugu leeyahay (xaqa 1, 2, 3, waxaa kugu leh Hooyada xaqa afraana aababa) waxaa halkaa kaaga cad in hooyadu ka xaq weyn tahay aabaha xaqeedana aan la gudi karin, adiga iyo xoolahaagaba aabaha ayaa iska leh iskaba daa hooyada oo kasii xaq weyne.

Baari u noqo waalidkaa wixii ay jecelyihiina jeclow.

Sidoo kale waxaan idiinla wadaagayaa talooyin dhawr ah oo uu qoray Maxamed Axmed waxana uu ciwaan uga dhigay

Sadex iyo sodon talaabo oo kuu sahlaya sidaad ugu samafali lahayd waalidkaaga.

Dhagayso hadalkooda, marka ay hadlayaan.

Rayigooda ka aqbal mar walba.

Marka aad eegayso hoos madaxa u dhig.

Inaad u amaanto si joogto ah.

In lala wadaago farxadooda.

Ha ka sheegin war aan haboonayn.

Inaad amaanto saaxiibadooda ay jecel yihiin.

In la xasuusiyo horumarkii ay hore u sameeyeen.

Ia qaybso xanuunkooda mar walba.

In aanad xasuusin meelihii ay ku gabood faleen noloshooda.

Meesha ay fadhiyaan ha ku mashquulin wax ka baxsan hawsha taala meeshaas.

In loola fadhiyo si ixtiraam ku dheehan tahay.

In la tuso in ay tahay afkaartoodu mid sax ah had iyo jeer.

In aan lagu dhex goyn sheekada ay wadaan.

In la baro ubadka yaryar sida ay ula dhaqmayaan.

In aan lagu garaacin ubadka yar yar hortooda.

In  laga qaato nasteexo kasta oo ay soo jeediyaan.

Meesha ay fadhiyaan cida maamulaysaa in ay iyaga ahaato.

In aan codka kor loogu qaadin.

Marka la socdo in aan laga hor marin talaabada.

Marka la cunayo inaan laga hor marin gacanta.

Indhaha in aan lagu gubin, oon si xun loo fiirin.

In lagu faano , in ay yihiin kuwa ku dhalay.

Marka meel lawada fadhiyo inaan lugta lagu fidin.

In aan loo soo jiidin wax dhibaateeya.

In loo duceeyo  mar walba.

Inaan la tusin in la dhibsanayo marka lawada joogo.

In aan lagu qoslin hadii ay ka soo baxaan fal aan haboonayn.

In loo adeego iyagoon kaa dalban.

In la badiyo booqashadooda mar walba.

In lagula hadlo kalmadaha ixtiraamka huwan.

In loogu yeedho qaabka ay ugu jecel yihin.

In laga hor mariyo qof walba meesha ay joogan.

 

Leave a Reply