Gobolada Dalka oo loo kala Diray Shaqaalaha iyo Agabka Diwaangelinta Codbixiyayaasha

0
241

Hargeysa (Dawan) Koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaqo adag iyo diyaar garow xoogan oo loogu gogol xaadhayo qaadashada kaadhka codbixinta iyo diwaangelinta muwaadiniinta ka bilaabaya dhammaan lixda gobol iyo saddex iyo labtaanka degmo doorasho ee dalka.

Haddaba koomishanka doorashooyinka Qaranka ayaa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka u kala diray gaadiidkii, shaqaalihii iyo ciidamadii ka hawlagalayay goobaha diwaangelinta codbixiyayaasha.

Guddida doorashooyinku waxa ay muwaadiniinta isdiwaangelinaysa ka codsadeen inay si nabadgelyo ah ku gutaan waajibkooda qaadashada kaadhka codbixinta, isla markaana ay ciidamada Qaranka kala shaqeeyaan sugista abniga.

Komiishaneer Cabdicasiis Xirsi Warsame oo hogaaminaya hawlgalka guddida doorashooyinka Qaranka ee gobolka Awdal oo kala diray shaqaalihii, agabkii, ciidamadii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee gobolka Awdal, ayaa bulshada ugu baaqay inay safafka ay diwaangelinta ugalayaan ku galaan nabadgelyo.

“Waxa aanu halkan ujoogna in aanu kala dirno dhammaan gaadiidka sida shaqaalaha iyo agabka diwaangelinta codbixiyayaasha ee u kala baxaya dhammaan goobaha dibedda ka ah magaalada Borama.

Gobolka Awdal 22 goobood ayay diwaangelintu ka dhacaysa, 22-ka goobood 17 ka mid ahi waxa ay ka baxsan yihiin magaalada Bormaa ee xarunnta gobolka Awdal, kuwaas oo ku kala yaala Saylac, Lughaya iyo Baki, waxaaney sidaan dhammaanba agaabkii diwaangelinta lagu qabanlahaa, dadka waxa aanu baaqayna in ay nabadgelyo safafka ku galaan isuna diwaangeliyaan”

Komiishaneer Xuseen Cabdi Cali oo hogaaminaya hawlgalka koomishinka doorashooyinka ee gobolka Togdheer oo kala diray shaqaalihii, agabkii, ciidamadii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay tirade guud ee goobaha diwaangelinta codbixiyayaasha gobolkaasi, isaga oo bulshada ka codsaday inay nabadgelyada ilaaliyaan.

Waxaanu yidhi.“Goobaha diwaangelinta ee gobolka Togdheer waa 28 goobood, 5 goobood oo degmada Oodweyne ah, 5 degmada Buuhoodle ah iyo 18 goobood oo degmada Burco ah, bulshada waxa aanu baaqayna inay ilaaliyaan nabadgelyada”

Gudoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Axmed Cismaan ayaa shaqaalaha ka hawlgalaya diwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Sanaag kula dardaarmay inay fuliyaan Kitaabkii ay ku dhaarteen oo si ALLE ka cabsi leh ay bulshada ugu adeegaan.

Waxaanu yidhi.“Mudada hawshu soconaysa 15 cisho, goobaha inoogu badanina waa 30 maalmood, waxaan idinku dardaaraya masuuliyad ayaad qaadeen, waala idin dhaariyay, maasuuliyada aad qaadeen ALLE haydiin fudaydiyo, waxa jira Call Center, la idin siiyay oo xaaladkasta ka waramaya, oo waxyaabaha idinku adkaada ka jawaabaya, oo aad soo garaacaysan markaaba”

Komiishaneer Ibraahim Macallin oo hogaaminaya hawlgalka koomishanka doorashooyinka Qaranka ee gobolka Sool oo isna kala diray shaqaalihii, agabkii, ciidamadii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee gobolka Sool, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’idaystaan diwaangelintan iyo fursadan.

Waxaanu yidhi.“Bulsho isku duuban oo diyaar u ah diwaangelinta ayaanu u tagney, waxaanu rajjeynayna wixii danbena in si nabadgelyo ah inoogu soo dhammaato, dadkuna sifiican oo nabadgelyo ah isu diwaangeliyaan,”

Komiishaneer Faadumo Quulle oo hogaaminaysa hawgalka guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ee gobolka Saaxil ayaa 14 goobood oo gobolkaasi ka tirsan u kala dirtay shaqaalihii, agabkii, ciidamadii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

Waxa ay ciidamada ka hawlgalaya goobaha diwaangelinta ay ku wargelisay in ay shaqada kala leeyihiin iyaga iyo guddoomiyaha goobaha diwaangelinta codbixiyayaashu.

Waxaaney tidhi.“Wixii abni ah ee dibedda ah ciidanka ayaa ku shaqo leh, wixii gudaha ahna guddoomiyaha goobta diwaangelintu ka socoto ayaa ku shaqo leh, marka hawshiinu sidaas ayay u kala qeexan tahay hawsha baaxada leh ee aynu Qaranka uwada hayno nin waliba waajibaadkiisa ayuu ka gudanayaa”

Komiishaneer Axmed Yuusuf oo hagaaminaya hawlgalka koomishanka doorashooyinka ee gobol ka Maroodjieex oo kala diray shaqaalihii, agabkii, ciidamadii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee gobolka Maroodijeex, ayaa sheegay in ay goobuhu dhan yihiin 46 goobood.

Waxaanu yidhi.“Goobaha diwaangelinta ee gobolka Maroodijeex waa 46 goobood, dibeda magaalada Hargeysa waa 30 goobood, dhamaanba waxa aanu farayna shaqaalaha iyo ciidamadu inay kawada shaqeeyaan habsami u socodka diwaangelintac codbixiyaasha”

 

 

 

Leave a Reply