“Waa la Tartanaya Bulshada Saraar waxaan Leeyay Isdiiwaan geliya”

0
228

Caynaba(Dawan):-Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caynaba Cumar Maxamuud Muuse, ayaa farriin u diray guud ahaan bulshada gobolka Saraar kuna boorriyay in ay si wayn isu diiwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyaha doorashooyinka.

Waxaanu intaa ku daray in la tartamayo oo loo baahan yahay in la is muujiyo oo qofkasta oo gaadhay da’da codbixinta oo aan haysan kaadhka codaynta oo ku nool gobolka Saraar in uu is diiwaan geliyo.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Xoghaye Cumar oo ka hadlayay siday ugu diyaar garoobeen diiwaan gelinta codbixiya ee maanta dalka ka bilaabmaysa waxaa uu yidhi. “Horta gobolku waa xoolo dhaqato oo dadkiina hayaan ayuuu ku kala maqan yahay laakiin waxaan awooda saarnay in bulshada gobolka Saraar aanu wacyi gelino oo aanu ku boorino in ay is diiwaan geliyaan.

Waxaanay tahay diiwaan gelinta codbixiyuhu fursad la isku muujinayo oo soo saaraysa bulshada deegaan ka ku dhaqan inta ka coday karta.

Gobol ahaan haddaanu Saraar nahay dadkayagii oo kala maqan ayay ku soo beegantay.laakiin waan dedaalaynaa.”

Xoghaye Cumar waxaa uu fariin u diray bulshada Saraar,waxaanu yidhi.”waa la tartamaya inagoo hayaan ku kala maqan waa in aan is muujinaa oo aan la tartanaa degaamada kale ee dalka ee aan hayaamin,waxaanan usoo jeedinayaa qof kasta oo bulshada gobolka Saraar ah oo gaadhay da’da codbixinta kaadhka codaynta aan haysan in uu is diiwaag geliyo oo qaato kaadhka codaynta qof kasta oo uu ka lumayna ha is diiwaan geliyo oo ha qaato kaadhka codaynta waa fursad aynu isku muujin karno ee yaan la dayicin.”ayuu yidhi Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply