Hooyo muddo kooban loo Qabtay Xujo soo wajahday darteed oo Bulshada Somaliland Fariin u Dirtay

0
312

Hargeysa (Dawan) – Hooyo Hodan Aadan Axmed Cabdi, waxa ay haysata 8 caruur ah, waxa ay degan tahay xaafada Sheekh Cumar oo 9-km dhinaca Koonfur galbeed kaga began magaalada Hargeysa, ee duleedka magaalada Hargeysa,Xaafadaha ayay dharka u soo maydhi jirtay guryahana u soo masixi jirtay maalin walba si ay u hesho lacag buurnayn, waana shaqo ku adag inay qabato qof haween ahi, balse ay duruufta iyo nolosha adagi ku riixday sida ay sheegtay.

Hooyo waxa ay haysata 8 caruur ah waxa ay nolosha qoyskeeda ku kabta lacag yar oo ay ka qaadato wiil yar oo ay dhashay oo xaafadaha xoolaha u raaca.

Hooyo waxa ay la walwalsan tahay sida uu noqon doono nolosha ubadkeeda oo aanay u awoodin inay u hesho nolol ka duwan tan ay haatan ku nool yihiin ee bila cunada iyo waxbarashada ah, mana haysato ehel iyo xigto la qaybsata dhibta ay ku kaliyaysatay, waxa ay intaas ku dartay in aanay nolosheedu isu dheelitirnayn, isla markaana aanay haysan hoy waxaanay sheegtay in guriga hadda ay degan yihiin lagu wargeliyay inay ka guuraan, sababo la xidhiidha in ay iska bixin kariwaayeen kiradii.

Waxaaney tidhi.“Carruurta waxa ILLAAHEY igu ogyahay in aanan ilaa shalay dab u shidin, ALLE mahadii saaka furinbaan u soo iibiyay oo aan Quraac uga dhigay, haddana waxba uma hayo.

Dhibta ugu weyn ee ihaysata waxa ay tahay guryaha kirada ah ee aan galo oo  maalinkasta ka soo bax la ileeyahay, oo sida aan ku bixiyo ALLE ogyahay, meelahaasi ayaan soo masixi jiray, masaxaadiina waan waayay, imika oo guriga uunbaan dhexjooga, suuqana ma dhexwareegi karo oo odhan kari mayo ‘kun kun shilin igu soo rida’, waxaan go’aansaday ILLAAHEYba wax bixiye in aan bulshada wax weydiisto.

Guriga aan hadda ku jiro lix cisho ayaa la iiqabtay in aan kaga baxo, balse jaarka ayaa ii baryay, oo haddii aan hadda bixinwaayo waala iga saaraya, waxa aan bulshada ka codsanaya in la isoo caawiyo ciddii icaawin kareysa”

Hooyadani waxa ay sheegay in ay jeclayd in ubadkeedu ay bartaan Qur’aanka Kariimka, si markay dhimato ay Faataxada ugu soo maraan, balse duruuftu ka reebtay.

Waxaaney tidhi.“Madarasad iima dhigtaan, iskuul iima dhigtaan, waxaan uhaya majiro, dhar aan u xidho mahayo, cunto aan siiyo uma hayo, Qur’aanka Kariimka ah barashadiisa ayaan aad u jecelahay, si maalinta aan dhinto ay Faataxada igu soo maraan, balse umahayo kharashkii ay wax ku baranlahaayeen,”

Waxa ay intaas ku dartay in gurigeeda alaabooyinka ugu mihiimsan kirada looga qaato oo aan la siin ilaa ay iska bixiso.

Waxaaney tidhi.“Hadda furaashkii aan ku seexinayay carruurta waxa la iiga reebtay guri kiradiisii la igu yeeshay, foostada biyuhuna way iga maqnayd maalin dhaweyd ayay inani intay lacagta iga bixisay ii keentay, marka dhibtaasi ayaan qaba”

Hooyo Hodan iyada oo murugo iyo ciildartii hadli karila, waxa ay sheegtay I wiilkeeda caruurta u weyni reeraha xoolaha u raaco, si ay kharash aan buurneyn oo duruuftu ku khasabtay ay uga qaataan

Waxaaney tidhi.“Mahayo hoy haddii ay dhargaan iyo haddii ay ku qadaanba aan ku haysto, hoy hala iisameeyo haddii la ii awoodo.

Carruurtaydu waa 8 wiilkii u weyna ayaa miyi igaga maqan oo xaafadaha u eega xoolaha, kuwan yar yar ee hadda ila jooga xaafadaha ayay xoolaha u eegi jireen, markii carruurta ka waa weyni ay dilaan ayaa la ii soo sheegay, waan fadhiyi kari waayay waan doontay waan soo kaxaystay”

Xaaladaha iyo duruufaha qalafsan ee ka jira xaafadaha danyarta ee magaalada Hargeysa ayaa ku kalifa in dadka ku nooli qabtaan shaqooyin adag oo aan lahayn macaash badan, balse ay duruuftu ku khasabtay inay u adkaystaan si ay u sii noolaadaan.

𝐂𝐢𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐄𝐘 𝐝𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐱 𝐮𝐥𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐡𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐡𝐚𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐞𝐥𝐞𝐟𝐨𝐨𝐧𝐤𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞  𝟎𝟔𝟑𝟕𝟒𝟖𝟓𝟓𝟏𝟒

 

Leave a Reply