Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka hadlay Xaalada Laascaanood

0
410

Hargeysa( Dawan) Wasiir hore  Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa ka hadlay Mudaharaaddo iyo rabshado dhimasho keenay oo ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo lagaga soo hor jeedo dilalka ka dhaca magaaladaas.

Baashe Cali Jaamac ayaa waxa uu ugu baaqay Dadweynaha Magaalada Laascaanood in ay is dajiyaan, waxaana uu intaasi ku daray in Xukuumadda looga  baahanyahay in ay qaado talaabooyin degdega.

Baashe Cali Jaamac oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Dadweynaha waa kaceen Ciidamada ayaa isku dhaceen Madaxweynuhu si fiican ayuu  xaalada uga hadlay, waxaana aanu ku dadaalaynaa in Xukuumadda dadka la hadasho. anaga dareenkooda ka turjumayna ayaan dawlada la hadlaynaa, khasaare dhimasho iyo dhaawaca ayaa dhacay waxa aan tacsidaynayaa dadkii ku dhintay kacdoonkan waxaana aan ka fikiri doonaa anaga oo ah dadkii  deegaanka in Dawlada aanu isla meel dhigno sidii  wax looga qaban lahaa  oo xal looga gaadhi lahaa,”.

Sidoo kale Baashe Cali Jaamac ayaa waxa uu fariin u diray Dadweynaha Reer Laascaanood.Waxaana uu yidhi”Dadweynaha waxa aan  ka codsanayaa  in ay is dajiyaan waxyaabo badan waa looga  garaabayaa,dawlada talaabooyin degdega in ay qaado.waxa aanu doonaynaa in dawlada la hadalno si miyir qabta arinta lagu soo dabaalo.waxa jira kooxo doonaya in Maamulka Somaliland ka hirgalin markaa dada dano  leh ayaa soo abaabulay,”.

 

 

Leave a Reply