Wasiirka Beeraha iyo wefti uu Hogaaminayo oo Kormeeray deegaano Gobolka Togdheer ka tirsan

0
323

Burco (Dawan) Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Kormeer la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha waxa ay ku soo mareen deegaano ka tirsan Gobolka Togdheer.

Deegaanada Weftigani kormeerka ku mareen waxaa ka mid ahaa Bali diiriye, Didin, Booraamo, Boodhley, Kal bare, Balli aw Cali, iyo Bilcin weyso.

Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay haldoorka deegaanadaas iyagoo warbixin ka siiyey xaalada guud ee nabadgalyada, nolosha iyo sida ay u socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Mudane C/qaadir Iimaan Warsame iyo xubnaha kale ee wehelinayay waxay bulshada ku dhaqan jiidaha ay mareen ku guubaabiyeen inay si wanaagsan isu diiwaangeliyaan si ay u helaan kaadhka codbixinta ee ay mustaqbalka ku dooran doonaan cida ay rabaan.

Leave a Reply