Arrinta Laascaanood Waxaa ku Jira Gacmo-shisheeye oo aan Reer Somaliland Ahayn….”

0
373

Wasiir Koore oo bulshada Laascaanood ugu baaqay inay iska kaashadaan horumarka gobolka sool

Laascaanood (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isla markaana ah Afhayeen xukuumadda JSL ayaa sheegay in arrinka Laascaanood ay ku jiraan gacmo shisheeye, sidoo kalena waxa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku geeryooday dhibaatadii ka dhacday Lascaanod, isla markaana sheegay inuu saaxiib dhow ahaayeen xildhibaankii gacanta ka xaqdaran dishay.

Wasiir Koore oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Sool oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo Degmo ee gobolka Sool ayaa sheegay in dhibaatadii ka dambaysay dilkii Hadraawi ay muuqato in gacmo shisheeye oo shacabka iyo xukuumada Somaliland ka baxsani ku jiraan, isla markaana ah falal argagaxiso oo dadka lagu majara-habaabinayo.

Waxuu sheegay in dadka la dilay dhamaantood ummada Somaliland u shaqeynayeen oo siyaasiyiin iyo hawlwadeeno ka koobnaayeen. Dadkii hadraawi dilay iyo kuwii ka dambeeyey waa dad si dhow u wada shaqeynaya,

“Falalka argagaxiso ee ka jira waa mid dad aan u naxayn shacabka Laascaanod iyo Somaliland midna ay wadaan.

Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in xukuumada Somaliland masuuliyad ka saaran tahay iaalinta amaanka degmada Laascaanod iyo gobolka Sool, sidoo kale waxii gaabis masuuliyada loo soo jeediyo ay qaadanaynaa, diyaarna u yihiin, laakiin shacabka laascaanood waa inaan ka wada hadalno oo isaga garowno sidii nabadgelyada gobolka loo xassilin lahaa. Waxuu bulshada Laascaanod uugu baaqay inay is-dejiyaan, fursadna la siiyo sidii nabadgelyada looga wada shaqeyn lahaa.

Wasiir Koore ayaa sheegay in markii ciidamada laga saaray magaalada laba habeen waxii dhacay waa la ogaa in meel walba la boobay, ilaa hudheeladii hilibkii oo bisil laga qaatay, imikana nabadgelyadii ay sugan tahay ciidamadiina gacanta ku hayaan nabadgelyada magaalada Laascaanood.

Waxuu uugu baaqay dadka dibedaha ka soo hadlaya in Laascaanod rabto qofka nabadgelyadeeda iyo horumarkeeda ka shaqeynaya, laakiin kuwa dagaal uugu baaqaya yihiin kuwo dib-u-dhaceeda doonaya.

Wasiir Koore ayaa dhaliilay sida ururada mucaaradka uuga hadleen arrinka laascaanood, isla markaana ku tilmaamay inay kala garan waayeen kaambaynkii gudaha iyo jiritaanka Somaliland.

Waxuu uugu baaqya waxgaradka iyo bulshada gobolka Sool in dhibaatadu halka ay joogto lagu qabto oo aan la sii kordhin, oo laga wada hadlo sidii bulshadu hore uugu socon lahayd, waxii khaldana loo wada sixi lahaa.

 

 

 

Leave a Reply