Hargeysa: Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda oo Kormeeray xarumaha Diwaangelinta

0
246

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Cabdillaahi Faarax Cabdi, iyo wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdixakiim Siciid Muuse (Bustaale), iyo agaasimaha fulinta ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland, Cumar Iid Qaloonbi, ayaa soo kormeeray xarumaha diwaangelinta ee degmooyinka 26-ka June, Gacan Libaax iyo Ibraahim Koodbuur iyo 31-ka May.

Masuuliyiintan ayaa intii ay kormeerkoodu kuguda jireen waxa ay u kuurgaleen qaabka ay diwaangelintu u socoto, waxaana goobihii ay soo mareen ku soo dhaweeyay, shaqaalaha koomishanka doorashooyinka ee xarumaha degmooyinkaasi ku sugnaa, isla markaana warbixino kala duwan ka siiyay ilaa hadda si wanaagsan ee ay dadku isu diwaangeliyeen.

Geesta kale waxa ay masuuliyiintani qaybihii kala duwana ee bulshada ee ay la kulmeen ka codsadeen in ay ka faa’idaystaan fursada diwaangelintu mudada ay socoto.

Cabdillaahi Faarax Cabdi, wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Cabdillaahi Faarax Cabdi, ayaa dadkii taagnaa safafka diwaangelinta degmooyinkii ay kormeerka ku soo mareen kula dardaarmay in ay kordhiyaan dadaalka kaadhqaadashada, maadamabu yidhi ay yar yihiin goobaha diwaangelintu.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply