Sidee Dhibta Dadka looga Badbaada?

0
271

Imaam Axmad Ibnu Xambal ayaa waydiiyay Xaatim Al’asam, sidee dhibaatada dadka looga bad’baadi karaa?. Xaatimna waxa uu ka mid ahaa dadka xikmada iyo caqliga lagu tirin jiray waxaana uu yidhi:,
“ Maalkaaga wax ka sii dadka, maalkoodana Faraha uga qaad!.. way ku dhibayaan adiguna  marna ha dhibin.
Marka ay waxa kaaga baahdaan u qabo, iyagna marna haku dhibin waxaad u baahan tahay in ay kuu qabtaan ama ku siiyaan!.
Imaamkii ayaa ku yidhi Xaatimow arintaas way adag tahay.

Xaatimna  waxa uu ku yidhi “ Arinkaasi wanaagsan ayaad dhibka dadka kaga badbaadaysaa”.

Sheekha Yaxya binu mucaad isaguna waxa uu yidhi: “ Aadmigu waa maskiin sida uu fakhriga iyo saboolnimada uga baqayo hadduu uga cabsan lahaa Naarta wuu badbaadi lahaa, Sida uu Hantida  u jecel yahay hadduu u jeclaan lahaa Jannada wuu gaadhi lahaa.

 

 

 

 

Leave a Reply