Gabiley: Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Kale Oo Soo Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelinta

0
165

Gabiley (Dawan): Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland xubno ka mida komishanka doorashooyinka qaranka iyo masuuliyiin kale ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Gabiley.

Waxaanay weftigaasi xildhibaanadda ah soo kormeereen magaalooyinka Gabiley, Tog-wajaale, ilma-deddo, Geed-balaadh, iyo meelo kale oo ka tirsan isla gobolka Gabiley.

U jeedadda kormeerka xildhibaanadaasi ayaa ahaa sidii ay u soo qiimayn lahaayeen hab-sami u socodka hawlaha diiwaan-gelinta ee goobaha gobolka Gabiley, iyo hubinta cabasho dhinaca Internet-ka ah oo maalmahan haysataya goobaha qaarkood oo sababtay gaabis xagga shaqadda ah.

Xubnahaasi waxaa ka mid ahaa xildhibaan Yaxye C/laahi Aamin (Arraarse), xildhibaan C/kariin Maxamed Dheere, xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo, iyo Axmed Yuusuf Maxamed, oo ah xubin ka mid ah komishanka doorashooyinka qaranka JSL.

Axmed Yuusuf Maxamed, oo ah xubin ka mida komishanka doorashooyinka qaranka JSL ayaa markii ay kormeerka ku marayeen magaaladda Tog-Wajaale, waxa uu ka warbixiyay habsami u socodka goobahaasi ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu u soconay in aanu ogaano sida ay diiwaan-gelintu uga socoto, goobtan Wajaale, iyo goobiihii kale ee aan soo marnay ba si fican ayay uga socotaa. Waa laba qorshe, qorshe waa diiwaan gelinta cusub, kaadh bedelka, goob bedelka, iyo qorshaha ah kaadhadhka lumay. Waxaan cad dheer ku leeyahay, fursadan lama helayo mar danbe, hala qaato kaadhka”.

Waxa kaloo uu komishaneerku sheegay in la xaliyay culayskii jiray ee dhinaca Ineternet-ka, isla markaana ay hadda hawshu si fiican u socoto. “Waxaa maalmahan inaga cuslaa kitka update, waana la hagaajiyay, dedaal badan baana la geliyay, iyadoo shirkaduhu xawaaraha ay kordhiyeen, dadka server-ka haya, iyo kuwa technical ka ah, ee qaybahaa qaabilsani ay wakhti badan ku lumiyeen. Shalay (doraad) iyo maanta (shalay) wuu inoo hagaagay, si fiica ayuu na u shaqaynayaa” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Maxamed.

Xildhibaan C/kariin Maxamed Dheere, ayaa isna ka warbixiyay u jeedadda socdaalkooda, isagoona bulshadda degmadda Tog-Wajaale ugu baaqay in ay is-diiwaan-geliyaan. Waxaanu yidhi “Wixii cabasho iyo culays jiray, waan u sheegnay komishanka, iyagu na way nala arkeen. Cabashooyinkii aanu u gudbinay, way nala arkeen, waanay naga qaabileen, wax badan.

Waxaan ugu baaqayaa in ay dadka magaaladu soo baxaan, oo ay goobta yimaadaan, oo ay is-diiwaan-geliyaan. Goboladda iyo demooyinka dalku tartan ayay ku jiraan, waxaanay Wajaale, degmooyinka la midka ah kula tartamaysaa marka dadkeedu is-diiwaan-geliyaan, oo ay tiro badan oodad ahi iska diiwaan-geliso.”

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay xildhibaan Yaxye Araarse, waxaanu yidhi “Waxaanu u soconayaa kormeer aanu ku eegayno habsami-u-socodka diiwaan-gelinta, dhibaatooyinka jira, iyo wixiii kale ee tabasho ah ee ay bulshadu qabto in aanu kormeer ku samayno, oo aanu ogaano. Aanan wax ka wada qabano anaga iyo komishankuba.

Bulshadda gobolka Gabiley, gaar ahaana goobtan aan imika joogno waaxaanu ku wacyi gelinaynaa, in ay is diiwaangeliyaan”.

Geesta kale waxaa isna halkaa ka hadlay xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo, oo sheegay in diiwaan-gelintu ay si wanaagsan uga socoto dhamaanba goobaha gobolka Gabiley ee ay soo kormeereen.

“Diiwaan-gelintu guud ahaanba si habsami ah ayay uga socotaa goobaha aanu soo marnay ee gobolkan Gabiley. Bulshadda reer Gabiley waxaanu ugu baaqaynaa in ay si mug leh isku-diiwaan-geliyaan” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo.

Leave a Reply