Xoghayaha Golaha Guurtida oo ku Wargaliyay Xildhibaanada in uu furmi doono Kalfadhigii 80aad

0
189

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha guud ee Golaha Baarlamaanka Somaliland Garyaqaaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa sheegay in toddobaadka fooda inagu soo haya uu furmi doono Kalfadhigii 80aad ee Golaha Guurtida.

Garyaqaaan Cabdinaasir Aadan Beegsi oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ku wargaliyay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka in ay ka soo qayb galaan kalfadhiga 80aad ee Golaha Guurtida ee furmi doona Maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda.

“Waxa lagu war galinayaa mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland in uu furmayo kalfadhigii 80aad Golaha Guurtidda 07/1/2023 kuna beegan maalinta sabtida 9 subaxnimo hadii alle idmo.sidaa darteed waxa la idin farayaa in aad wakhtiga dhawrtaan,”.ayuu yidhi Garyaqaan Cabdinaasir Beegsi.

Sidoo kale Cabdinaasir Beegsi ayaa waxa uu baaq diray bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaanood.Waxaana uu yidhi”dadka reer Laascaanood waa dad dhaqan wanaagsan oo milgo iyo sharaf leh,waxa aan leeyahay yaan laydiku soo dhex tuurin baranbogaado dheg xumo iyo wax qaranimada Somaliland baabiinaya wada jirka waa in la ilaaliyo.dawlada waxa aan leeyahay hala dadajiyo baadhista dadkaa falalka dilalka foosha xun ka gaystay,”.

 

 

Leave a Reply