Hargeysa: Wasiirro kormeer ku Tagay Goobaha Diwaangelinta

0
207

Hargeya (Dawan)- Weftu Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyaddas Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa kormeer ku soo maray qaar kamid ah goobaha diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland gaar ahaan demooyinka Maxamuud Haybe, Koodbuur iyo 31-ka May.

Xubnahan isugu jira wasiirrada iyo xildhibaanada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Maxamed Axmed Diiriye Toorno, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Beeraha Yurub Abiib, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Saynidka Cabdirashid Siciid Muuse, Xildhibaan Oday Xaaji Cabdi Waraabe iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raamboo) waxaanay bulshada ku boorriyeen in ay qaataan kaadhka codbixiyaayasha doorashooyinka.

Xildhibaan Oday Xaaji Cabdi Waraabe oo ugu horrayn goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxaanu dhammaantayo u soconaa wacyi-gelintiina iyo inaanu idinku boorrino xaqa aad u leedihiin in aad is diwaan gelisaan si aad u gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah ee aad xaqa ugu leedihiin in aad gacantiina ku doorataan oo ku soo saartaan masuulka aad doonaysaan ama aad dantina ka dhex aragtaan. Si gaar ah ayaan ugu mahad naqayaa degmadiina 31-ka May oo si weyn ugu soo baxay isdiwaan gelinta oo safaf dhaadheer ku jira, waxaan idiin sheegayaa diwaangelintan waxaad ku helaysaan dhakhtarada, iskuullada ilaa jaamacadaha.”

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Beeraha Yurub Abiib oo iyaduna goobtaasi ka hadashay ayaa tidhi “Maanta waxa aanu u soconaa waa in aanu idin nidhaahno is diwaan geliya, kelmadeenu maanta waa in aynu is diwaan gelino oo ay dadku qaataan kaadhka ay xaqa u leeyihiin si ay codkooda ugu hiiliyaan dalkooda, waddankuna xaq buu ku leeyahay dadka, dadkuna xaq bay ku leeyihiin dalka.”

 

 

Leave a Reply