Wasiirka Biyaha Somaliland oo Safar Shaqo Ku Tegay Gobolka Sanaag

0
177

“Waa Siyaasadda Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi In Biyaha Mudnaanta La Siiyo…

Ceerigaabo (Dawan): Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed, oo safar shaqo ku maraya goboladda barga dalka ayaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Waxaana soo dhawaynta wasiirka ka qayb qaatay maamulka gobolka Sanaag, ka degmadda Ceerigaabo, wasiir ku-xigeenka hawlaha Guud oo Ceerigaabo ku sugan, iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaana kulan la yeeshay masuuliyiinta gobolka Sanaag, iyo ka degmadda Ceerigaabo, kulankaas oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Cali Mareexaan, oo ka warbixiyay u jeeddadda socdaalka uu ku tegay Sanaag, waxa uu sheegay inuu qorshihiisu yahay inuu soo kormeerro mashaariic kala duwan oo dhinaca biyaha ah oo ka socda gobolka Sanaag, iyo sidoo mashaariic kaloo cusub oo laga bilaabayo gobolkaasi.

Waxaanu yidhi, “Mashaariic badan baa gobolka ka socda, oo ay wasaaradda biyuhu wado, kuwo kale na waa la bilaabayaa, haddii ALLE SWT ka dhigo. Markaa mashaariicdaa la bilaabayo in aanu iska waraysano madaxda joogta, kuwa kalena aanu kormeerno, oo kuwii aanu maanta soo furnay ee Ceel-Afweyn ay ka mid yihiin”.

“Ceerigabo lafteedda mashaariic baa laga bilaabi doonaa dhinaca biyaha ah, kuwaana in aan soo kormeerro ayaan u imid. Mashaariicdani badankoodu miisaaniyadda qaranka ayay ku jiraan, qaar na dunidda ayaa inagu caawisay, waana siyaasadda xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, in biyaha muhiimadda, iyo mudnaanta la siiyo, sidaas ayuu qorshuhu yahay” ayuu yidhi wasiirka biyuhu.

 

 

Leave a Reply