Guddida Waxbarasha Heer Qaran ee JSL oo Isugu Yimid Kulankoodii 9-aad

0
204

Hargeysa (Dawan) Guddida waxbarasha heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isugu yimi kulankoodii 9aad, kaas oo ay kaga wada tashadeen arrimo ku saabsan waaxbarashada qaranka.

Kulanka oo uu Gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleeban Ahmed Guleed ayaa waxa ka soo qayb galay badiba xubnaha guddida Waxbarashada Qaranka.

Kulankan oo todobaadkan lagaga hadlay Ajendayaal badan ayaa waxa ugu mudnaa lafo gur ku aadan tayaynta Macaliinta Dugsiyada, kormeerka iyo tayayta manhajka dugsiyada hoose dhexe.

Intii uu kulanku socday waxa xubnaha Guddidu waxbarashada Qaranka warbixin kooban siiyey agaasime waaxeedyada waaxyaha tayo-dhawrka, manaahijta iyo guddoomiyaha Kuliyada tababarka Macalimiinta ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, oo sheegay in hadda ay meel fiican marayso tayayntii waxbarashadu.

Ugu danbayn Guddida ayaa Isla qaatay in Muhiimada ay leedahay in la tayeeyo waxbarashada iyada oo mudnaanta kowaad la siiyo sidii loo tayayn lahaa waxbarashada aasaasiga ee dalka, waxaanay tilmaameen in tayaynta waxbarshada dalku ay u baahan tahay in gacmaha laysu qabsado sidii looga wada shaqayn lahaa.

 

Leave a Reply