Guddoomiyaha Gobolka Sarraar oo kormeeray goobaha ay ka Socoto Diwaangelinta Codbixiyayaashu

0
223

Caynaba (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sarraar Maxamed Cismaan Xaaji ayaa kormeeray goobo ku yaal degaano hoos yimaada gobolkaas, kuwaas oo ay ka socoto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha.

Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo weftigiisa ayaa waxay mareen degmooyinka Waridaad iyo Ceelal iyo degaano kale oo hoos yimaada.

Masuuliyiinta komishanka doorashooyinka ee ku hawlan hawasha diiwaagelinta ayaa guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u socoto hawshaasi, waxaanay tilamaameen in ay u socoto si nabad-galyo ah.

Gudoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Xaaji ayaa wuxuu guud ahaan bulshada ku nool guud ahaan gobolka Sarraar wuxuu u soo jeediyay in ay ka faa’iidaystaan fursadaas diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, taas keenaysa in qofka muwaadinka ah uu ka qayb qaato doorashooyinka la filaayo in ay sannadkan dhexdiisa dalka ka qabsoomaan ee ururada iyo ta madaxtooyada.

Madaxmed Cismaan guddoomiyaha gobolka Sarraar wuxuu bulshada degaamadaas uu kormeerka ku maraayay uu u sheegay in wixii cabasho ah ee la xidhiidha arrimaha diiwaan-gelinta uu gaadhsiin doono cida ay khusayso, si wax looga qabto xiliga ugu haboon.

 

 

 

 

Leave a Reply