Madaxweynaha Somaland oo Xukumaddiisa Ku Sameeyey Xil ka-qaadis, Magacaabid iyo Bedel

0
370

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xil cusub magacaabay, halka uu xil-ka-qaadis iyo bedel ku sameeyey xubno xukuumadiisa ka tirsan.

Wareegtooyin shalay ka soo baxay xafiiska Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in xil-ka-qaadis lagu sameeyey Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirkii hore Hawlaha Guud, Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo maanta (shalay) waxaan go’aamiyay inan kaa qaado xilkii Wasiirka Hawlaha Guud.

Dhinaca kale, wareegtada Madaxweynaha ayaa Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland, halka Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha Bulshada Md. Mustafe Maxamuud Cali Bile loo bedelay Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.

 

Leave a Reply