WEEDHA WARGEYSKA Ismoodsiiska Cadowga iyo Mustaqbalka Laascaanood!

0
438

Marka hore Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dawlad iyo Rayid-ba waxa uu la damqasho iyo dareen yahay Shacbiga Magaalada Laascaanood dhibaatada soo gaadhay ee ka dhalatay isku dhacyadii aan ku talogalka ahayn ee dhacay usbuucan horaantiisii, sidii ay cadeeyeen madaxweynaha iyo madaxda goleyaasha kale ee Qaranka oo dhambaal tacsi iyo waano ah u jeediyey bulshada gobolka Sool Salaasadii todobaadkan, ALLENA ha u naxariisto intii innagaga dhimatay, kuwa dhaawacmayna ha u boogo dhayo.

waxa kale oo soo dhaweyn iyo bogaadin mudan balanqaadka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sameeyey bulshada waxyeelladu ka soo gaadhay shaqaaqadii Iblaysku afuufay ee keentay dhimashada iyo dhibaabaha kale oo uu sheegay in la baadhayo sidii ay wax u khaldameen iyo sababta keentay khasaaraha.

Mar labaadka, Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacbiga reer Laascaanood waa lagu soo duullay, waxaana fidmo qarsoon iyo falaadh gooli-baadh ah ku soo tuuray Cadow ismoodsiiyey inay tahay wakhtigii uu soo gabagabayn lahaa Dawladnimada 32 jirsatay ee Dalka, kaasoo ku talogalay , kuna taamay inuu kala irdheeyo umadda walaalaha ah ee wada degen Waddanka daraf ilaa daraf, isla markaana wada leh Calanka iyo ciidda, kuna naaloonaya nabadda, nidaamka dawladdeed iyo horumarka, kaasoo isku-daygaasi ku kacay, kaddib markii uu ishaaqsaday dabeecadaha iyo duruufaha ku lamaan loollanka siyaasaddeed ee dimuquraadiga ah ee bilihii la soo dhaafay dalka ka taagnaa.

Xifaaltankii iyo yooyootankii ka dhashay hilaafka Doorashooyinka, ayaa xaasidku mooday in dalku gaadhay marxaladii lagu kala dhaqaaqayey, hase yeeshee waxa uu hilmaamay in laga shisheeyo iyo in laga sokeeyo, loona feejignaan iyo dareen leeyahay talaabooyinka uu qaadayo iyo hadba muuqaalka iyo midabbada uu isticmaalayo.

Qorshaha Cadowgaasi ku shirqoolayo bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo dawladdoodu wuu ka tiig iyo taabasho fogyahay dilalkii qorshaysnaa ee qarsoodiga looga fulin jiray  Laascaanood, waxaanu ku wajahan yahay in la wiiqo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland Juquraafi ahaan, siyaasad ahaan iyo sharci ahaan, isla markaana umadda ku dhaqan loo kala abtiriyo oo loo qaybiyo gobollo, Qabiillo iyo wax ka sii meeqaam hooseeya, iyadoo laga burburinayo qarannimada iyo qabka dawladnimo ee ay haystaan.

Waxa kale oo uu cadowgu qoolayaa in umadda Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle lagu hogaamiyo hadimo iyo haaddaan meel daran iyo duf ku rida oo ka daadisa amniga, xaasiloonida iyo horumarka ay hayaanka ugu jiraan ee ka tisqaaday guud ahaan deegaamada ay gaadhay Dawladda Somaliland ee goboladaasi, waxaana hadda hollaca iyo durbaanka mar loo wada garaacay in laga hortago inay xisbiyo taageero balaadhan ka haysta shacbiga gobolladaasi oo ay aasaaseen siyaasiyiin deegaan ahaan ka soo jeedaa ka dhismaan Dalka,taasoo haddii ay suurtogasho soo afjaraysa qayb muhiima oo kamida tabashooyinka siyaasaddeed la xidhiidha fursadaha lagu gaadho hogaaminta talada Waddanka oo ay wakhtigan halgan ugu jiraan Ururrada WAABERI iyo SPP.

Waxa xaqiiqo ah in la doonayo in la banjariyo ama dhabarka laga jebiyo labadaas Urur iyo kuwa kale ee ay hogaankooda safka hore kaga jiraan siyaasiyiinta gobolladaas ka soo jeedaa, isla markaana loo quus-gooyo si aanay uga qaybgelin tartanka Doorashada tooska ah ee Ururrada, maadaama ay ka soo gudbeen marxaladihii hore ee kala reebida Ururradda. Markhaatina waxa taas u ah xilliga fawdada la bilaabay oo ay diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabantay dalka oo dhan, fursad gaar ahna u ahayd dadka gobolladaa ku dhaqan oo aan hore isula helin xisbiyo ay hogaaminayaan iyo diiwaangelin Doorasho.

Waxa kale oo hubaal ah in shacbiga gobolka Sool ku dhaqan la doonayo inay waajahaan dayac iyo dawlad la’aan, qax iyo nolol-xumo, qas iyo qalallaase bulsho, qasab iyo qoor-qabasho siyaasaddeed oo hayb-tirsiga Garoowe kula bun-tirsanayo Muqdisho, iyadoo hilaaca iyo hawada iminka shacbiga lagu hiyi kicinayaa uu yahay isku-tashi been-been ah oo dadka dhegaha loogu ridayo.

Dabka la shidayo,  waxa kale oo lagu abuurayaa nacayb iyo dhibaato la dhex dhigo beelaha goboladaas dega iyo kuwa dega gobolada kale ee Somaliland, waana sababta afka loogu balaadhinayo inay Beello ku duuleen Laascaanood oo ay haystaan.

Dhamaan arrimahaas oo dhami waa qorsheyaal maleegan oo luggooyo iyo likaaco loogu aloosayo shacbiga sharafta iyo qiimaha leh ee maanta nabadgelyo iyo horumarka haysta oo si khaldan looga faa’idaysanayo in yar oo tabasho ah oo ay qabaan.

Sidaas Awgeed dawladda Somaliland waxa la gudboon inay sii kordhiso foojignaanta ay kaga hortegayso shar-wadeyaasha shishe ka shiishaya midnimada Umadda.

Sidoo kale Isimada,siyaasiyiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo samo-taliska reer Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxa dumadooda saaran gudashada masuuliyadda ka saaran badbaadinta umadda ay hormuudka u yihiin mustaqbalkooda, waxaana ku waajibku farayaa inay si dhab ah u qiimeeyaan duruufaha ku gedaaman rabitaankooda siyaasaddeed, waaciqa dhabta ah ee hareeraha ka xiga iyo caqabadaha ka xiga jihooyinka looga gacan haadinayo.

Taasoo ay si ka fog cadiifad la’aan iyo run isu weydiiyaan ayaa ka jawaabaysa dhamaadka xaalada Laascaanood ka taagan iyo hilaadinta mustaqbal ka sii wanaagsan macaanka ay maanta dadka qaar saluugsan yihiin, mushkilada ugu horaysa ee ay dawladda Somaliland iyo hormuudka magaaladaasi xalkeeda ka fikiraana waa inay noqoto suulinta dilalkii argagixiso ee nafaha badan lagu khaarajiyey.

 

 

Leave a Reply