Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda UNICEF oo Kaamka Digaale ee ka Bilowday wacyigelin la xidhiidha Fayo-dhawrka

0
258

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan oo xubno kala duwan aynu ku sooqaadan doono, xubinta koobaad waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo kaashanaysa hay’adda    UNICEF ayaa  Kaamka Barakacayaasha Digaale ee degmada Maxamed Mooge ee  duleedka magaalada Hargeysa ka bilowday wacyigelin la xidhiidha  ilaalinta nadaafadada.

Ololahan wacyigelinta iyo baraarujinta isugu jiray waxa fulinayay qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka, waxa ay qaybaha kala duwan ee bulshada Kaamka ku nool ay la wadaageen    habraacyada ka hortaga cudurada sida Shubanka , Xumada IWM.

Sidoo kale waxa ay bulshada ka codsadeen in la sameeyo olole    nadaafadeed oo joogta ah, si looga baaqsado xannuunada ka dhasha nadaafaddarada.

Bulshada Kaamka Digaale ee degmada Maxamed Mooge ayaa wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda UNICEF, uga mahadceliyay wacyigelnta la xidhiidha ilaalinta fayo-dhawrka ee ay bulshada siiyeen.

Iyada oo wasaaradda caafimaadku muddooyinkii u danbeeyay ay guud ahaan dalka oo dhan ka waday olole balaadhan oo bulshada loogu baraarujinayo ilaalinta nadaafada iyo in ay Qashinka iyo wixii washakh ah ku ridaan halkii loogu talo galay.

Leave a Reply