Maxa Lagu Gartaa Siyaasiga Darajada Labaad Ama Seddexaad

0
413

Siyaasada hibo uma laha, hankiisuna kuma jirto siyaasada in uu meeqaam sare ka gaadho haseyeeshe waxa ku soo dhex tuurtay beesha uu ka soo jeedo ama mid ka mid ah Xisbiyada Qaranka ama madaxwaynaha JSL ayaa isaga oo aan ka fiirsan mansab siyaasi ah u magacaabay. Siyaasiga darajada labaad ama seddexaad (second or third politicians) waxa kale oo laga gartaa ma laha aragti siyaasadeed oo hagta ama uu umadda ku hagi karo . Xusbi kuma nagaado ee maalinba mid hor leh ayuu ku biiraa. Haddii uu mucaarid yahay mucaaridada wuxuu u yaqaana in mushruuc kasta oo xukuumadu wadato la diido ama laga horyimaado xattaa haddii uu yahay mid faaiido u leh dalka. Marka uu hadlayo ma abaaro arrimaha muhiimka ah (issues) ee bulshadu tabayso balse wuxuu weerara shakhsiyada masuuliyiinta xukuumada. Wuxuu sheega dhaliilaha maamulka iyo dhibaatooyinka jira xalkooda, ma sheegi karo. marka ka hadlayo masiirka JSL wuxuu adeegsadaa weedho dhaawacaya jiritaanka iyo madax banaanida isaga oo aan u jeedin qarankaaga wax u dhin. Haddii uu muxaafid yahay ama masuul dawladeed wuxuu ku dedaala sidii uu u raali galin laha madaxda ka saraysa halkii uu ka raali galin lahaa bulshadii in uu u adeego loo igmaday. Aqoon darrada ama khibrad yarida shaqadiisa wuxuu ku qariyaa muxaafidnimo ka badbadis ah . Niyada kama degana wuxuu ka baqayaa in lagu bedelo qof kaga haboon mansabka. Wasaarada ama Hayada uu joogo waxba kuma soo kordhiyo oo hal abuur ma laha waxa kale oo lagu gartaa marka xilka laga qaado maalmo yar ka dib wuxuu noqdaa mucaarid fog inkasta oo uu shalay ahaa muxaafid xagjir ah.

Si kastaba ha ahaatee dadwaynaha dhinacooda waxa looga baahan yahay in ay wax ka bartaan wakhtiga iyo waayihii soo maray oo ay doortaan dad u heelan in ay si daacad ah ugu adeegaan. Dhinaca madaxwaynaha iyo magacaabista masuuliyiinta Qaranka: “Hogaamiyaha fiicani waa ka adeegsan kara maskaxaha fiican”, John F. Kennedy. Odhaah kale ayaa iyana tidhaahda: guusha iyo guul darrada hogaamiye kasta waxa jaan gooya hadba team-ka ku xeeran, sidaa daraadeed madaxwaynaha isaga waxa looga baahan yahay mar kasta inuu soo xusho rag iyo dumar karti badan oo aqoon u leh hawlaha loo igmaday oo kaa caawiya taabo galinta siyaasada xukuumada iyo hirgalinta barnaamijyada lagu horumarinayo dalka.

Qore Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@yahoo.com

 

Leave a Reply