Shaqaalihii Ugu Shaqadda Wanaagsanaa Sanadkii 2022-ka ee Wasaaradda Warfaafinta oo la Abaalmariyay

0
353

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta JSL ayaa abaalmarino guddoonsiiyay shaqaalihii ugu wanaagsanaa wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland sanadkii tegay ee 2022-ka.

Shaqaalahaasi la abaalmariyay oo laga soo kala xulay waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL ayaa lagu abaalmariyay shaqo wanaag ay muujiyeen sanadkii ina dhaafay.

Munaasibadii lagu abaalmariyayna shaqaalahaasi oo ka dhacday hoolka haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habane, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta C/kariin Aadan Cadde, agaasime waaxeedyadda wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, shaqaale weynaha wasaaradda Warfaafinta qaarkood, iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta JSL Siciid Xasan Habane, oo shaqaalahaasi abaalmarinaha guddoonsiiyay ayaa bogaadiyay dhamaanba xubnaha shaqaalaha ah ee lagu abaal mariyay shaqo wanaaga ay muujiyeen sanadkii tegay ee 2022-kii.

Siciid Xasan Habane, waxa uu sheegay in shaqaalaha wasaaradda Warfaafintu ay ku suntan yihiin karti, hufnaan shaqo iyo qabashadda hawlo fara badan.

“Waxaan doonayaa in aan idhaahdo hambalyo shaqaalahan caawa la abaalmarinayo, iyo guud ahaanba shaqaale weynaha wasaaradda Warfaafinta, oo aan ku ogahay karti, shaqo wanaag, hufnaan shaqo, iyo shaqo fara badan” ayuu yidhi Siciid Habane.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ka faahfaahin ka bixiyay u jeedadda laga leeyahay in shaqaalihii shaqo wanaaga muujiyay la abaalmariyo.

Waxaanu yidhi, “U jeedadda qiimayntu waxa weeye, waa in qofka shaqadii loo diray, ee lagi yidhi qabo, hada na lagu qiimeeyo oo halka uu ka taagan yahay na loo sheego, qorshaha cusub na lagu jeexo, u jeedadda qiimayntu waa taasi.

Abaalmarinta la siinayo shaqaalahani, waa dhiiri gelin. Abaalmarintani kuma socoto shaqaalahan la siiyay oo keliya, balse shaqaale weynaha kale ee wasaaradda Warfaafinta iyaga na way la hadlaysaa. Waayo? Maanta qarankeenu wuxuu gaadhay in aynu cadayn karno, waxqabadka laga rabo qofka shaqaalaha ah, waxa uu yahay”.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta JSL C/kariin Aadan Cadde, oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in shaqaalaha warfaafintu ay yihiin hawl-kar habeen iyo maalin ba shaqeeya, isla markaana u hagar baxay qarankoodda.

Geesta kale guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u hanbalyesyay shaqaalihii la abaalmariyay.

Gebagebadii xafladaasi ayaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafintu waxa uu abaalmarinihii ay mutaysteen uu guddoonsiiyay shaqaalihii la soo xulay oo tiradoodu dhamayd 800 oo qof.

 

Leave a Reply