Samafalka Iyo Xidhiidhka Waalidka!

0
417

Abuu Usayd Maalik ibn Rabiicah as-Saacidi (Rc) waxaa laga soo xigtay inay la fadhiyeen nabiga (Scw) markii uu u yimid nin reer banii Salama ah oo ku yidhi: “ Rasuulkii Allow, Ma jiraan samafal igu leyihin labadayda waalid ka dib dhimashadooda?.

Nabigu (Scw) wuxuu ugu jawaabay: ” Haa, waa in loo duceeyaa oo dembi dhaaf iyo naxariis loo dalbaa, oo ballankii ay ka tageen la oofiyaa, oo saxiibadoodna la xurmeeya, qaraabada xaggooda ka soo jeedana la xidhiidhiyaa, ( Wanaag loo sameeya) “. Maj/Fat/Ibnu Baas 251/13

Leave a Reply