Arooskii Caawa Qaad La’aan ayuu u baaqday….!!!!!!”

0
370

Hargeysa (Dawan) Geedka Qaadku waxa uu dhibaato weyn ku hayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo saameyn taban ku yeesha xag dhaqaale, xag caafimaad iyo mid nololeedba, waxaanu ku keena qofka cuna in uu baddelo noloshiisa iyo nolosha qoyskiisa.

Haddaba isaga oo dhibaatadaas oo dhan u leh bulshada haddana maalin walba waala keena bulshaduna way cunaan, nin iyo in uu ka cunaba, dhakhaatiirta iyo xeel dheerayaasha caafimaadkuna waxa ay ku taliyaan in laga fogaado cunistiisa.

Nuxurka sheekadaydu maaha dhibaatada Qaadku uu caafikaadka ku leeyahay, duruufaha uu bulshada dhaxalsiiyay, arrinta aynu ka hadlayna waa qoys la yagleelay habeenkii xaflada arooskoodu ku beegnaydna, dib loo dhigay xaalad qaad la’aaneed awgeed.

Waxa ay sheekadan gaabani iga soo baxday safar aan dhawaan ugu baxay mid ka mida degaanada Somaliland oo intii aanu dhexda ku sii jirnay aan la kulmay sheekada, oo dadkii aanu safarka kuwada jirnay ay yidhaadhdeen ‘Degaankan aynu hadda jidkiisa hayno caawa waxa ka jira Aroos, balse markii aanu hawshii degaankaasi iyo degaano kale u tagnay soo dhammeysanay ILLAAHEYna noo fududeeyay, oo aanu soo gaadhnay xafadii xaflada Aroosku ka jiray, gaadhigii aanu wadanay inta aanu joojinay ayaanu weydiinay mee arooskii caawa maxa ku dhacay? waxa ay noogu jawaabeen dadkii degaanku ‘Arooskii caawa Qaad la’aanbu u baaqday’,.

Gaba’gabadii waxaan soo jeedinaya haddii aan la joojinayn cunista Qaadka in aan xafladaha muhiimka u ah nolosha bulshada aan loo baajin Qaad la’aanba jirta iyo Qaadba la waayay.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply