Cuntooyinka Indhaha U Fiican, Awoodda araggana Siyaadiya

0
850

Xubinta saddexaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona cuntooyinka indha u fiican isla markaana araga siyaadiya.

Indhahu waxay ka mid yihiin lixda dareeme ee aanu aadamuhu nolol maalmeedkiisa uga maarmi Karin, Indhuhu waa qalabka ugu muhiimsan ee aynu wax ku baranno.

 

Waxaa jira waxyaabo fudud oo dhaawaca aragga indhaha sida daawashada muraayadaha telefishanada oo joogto loo daawado sida kombiyuutarka, moobilka Iwm.

 

Iftiinka shaashadda kombiyuutarka wuxuu indhaha u gaystaa dhibaato caafimaad gaar ahaan markii si joogto ah loo daawado, sidaa darteed waa in aadan indhaha ku taagin shaashadda kombiyuurtarka muddo dheer ama hoosta aan shaashadaha laga fadhiisan.

 

Muddooyinkan dambe waxaa aad u soo badanaya caruurta iyo dhalinyarada u baahan xidhashada muraayadaha indhaha sababo la xidhiidha cillado aragga ah awgood.

 

Nafaqo darradu waxay daciifisaa aragga indhaha, haddaba cunista cunno isku dheeli tiran waxay lagama maarmaan u tahay caafimaadka qabka indhaha, waxayna hoos u dhigtaa halista cilladaha indhaha ku dhaco.

 

Hadaba waxaan halkaan ku xusaynaa cuntooyinka indhaha u fiican ee la dagaallama cilladaha indhaha sida cillada isha qalalan, guluukoomada (glaucoma), caadka indhaha fuula iyo habeenisada ama qofka inuu si fiican wax u arkin karin habeenkii.

 

Kalluunka:

Kalluunku wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 kaas oo u wanaagsan caafimaadka indhaha, dufannadan caafimaadka lihi waxay ka hortagaan guluubka, cillada isha qalalan iyo xanuunka loo yaqaano “macular degeneration” oo ah cillad timaada qofka marka uu duqoobo.

Beedka ama Ukunta

Beedka ama Ukunta waxaa ku jira maaddooyinka “Zeaxanthin” iyo “Lutein” oo labaduba aragga ka ilaaliya hoos u dhaca iyo dhaawaca gabowgu ku keeno, waxa kale oo beedka  laga heelaa macdanta zinc iyo fitamiin A, kuwaas oo xoojiya caafimaadka indhaha.

Lawska:

Lawska waxaa ku badan fitamiin E iyo dufanka omega-3, cunista lawska oo la joogteeyo waxay caawisaa ka hortagga caadka indhaha iyo xanuunka macular degeneration.

Barbarooniga:

Barbaroonigu waxa uu hoos dhiigaa halista caadka indhaha fuula, waxaa ka buuxa fitamiin A, Fitamiin C iyo fitamiin E kuwaas oo u fiican aragga indhaha.

Timirta

Timirta waxaa ku jira Faytamiinka A, oo wanaajiya aragga, isla markaana caawiya daweynta indho beelka habeenkii ama waxa ay Soomaalidu u taqaanno “Habeenisada” oo ah cudur ku dhaca indhaha, marar badanna qofku inta uu yar yahay ku bilowda.

Qofka habeenisada lihi waxa uu si fiican wax u arki karaa maalintii, balse habeenkii haddii anau iftiin badani jirin waxaa ku adkaada aragga.

 

Khudradda caleemaha cagaraan

Khudradda caleemaha cagaaran sida koostada iyo sukuumada (collards) waxaa ka buuxa maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin”.

Waxay kaloo qani ku yihiin fitamiin C iyo fitamiin E, cunista khudraddani waxay yareysaa halista xanuunnada aragga lumiya sida caadka indhaha iyo “macular degeneration”.

Kaarootaga

Kaarootagu waa waxa  ugu horreeya cuntooyinka indhaha u fiican ee caafimaadkooda sare u qaada, waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin A iyo maadada beta-carotene, waxay siyaadisaa awoodda aragga waxayna ka hortagtaa cilladaha aragga lumiya.

Liinta Oraanjta

Oranjta waxaa ku jira fitamiinka C, oo u fiican caafimaadka indhaha, fitamiinkani waxa uu ka qayb qaataa caafimaadka xididada dhiigga ee indhaha wuxuuna la dagaallamaa caadka indhaha, cabitaanka liinta oranjta waxaa ku badan maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin”.

Hilibka

Hilibka lo’da iyo digaaga waxaa laga helaa xaddi fiican oo maadada zinc ah, taas oo daahisa xanuunka “macular degeneration” oo ah cillad timaada qofka marka uu duqoobo, sidoo kale, hilibku waa il qani ku ah barootiin, fitamiinno iyo macdano.

Baradhada macaan

Baradhada macaani waa il aad u fiican oo laga helo maadada “beta-carotene” taas oo ka hortagta cilladaha indhaha sida caadka indhaha fuula, indho qalleylka iyo habeenisada, baradhada waxay kaloo faa’ido u leedahay hoos u dhigista infekshannada indhaha ku dhaco.

Canabka 

Canabka guduudan waxaa ku jirta maadada loo yaqaano “resveratrol“, taas oo la aaminsan yahay inay door wayn ka ciyaarto ilaalinta caafimaadka indhaha, sidoo kale, canabka waxaa ku jira maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo ka hortaga caadka indhaha fuula.

 

 

Leave a Reply