Wasiirka Qorsheynta oo Wacyi-gelin ku soo Maray Diwaan-gelinta Awdal iyo Selal

0
266

Boorma (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Dr Axmed Faarax Buuxane iyo wefti hogaaminayo ayaa gaadhay Degmooyinka Lughaya iyo Garba-dadar ee gobollada Awdal iyo Selal

Weftigan oo ay qayb ka yihiin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Kheyraadka biyaha Dr. Siciid Axmed Jibriil, Maayirada degmooyinka Garba-dadar iyo Lug-haya iyo xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland oo weli sii wata kormeerka ay ku gaala-bixinayaan gobollada Awdal iyo Selal ayaa kormeer ku tegey degmooyinka Lughaya iyo Garbo-dadar iyo deegaanno kala duwan oo degmooyinkaas kala tirsan sida Waraabe-dareeray, Gargaara, Ceelka-Karuurey iyo Ceelka Kilowle.

Weftigan ayaa kulamo la qaatay odaayasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada deegaanada iyo degmooyinka ay safarka ku marayaan, iyagoo bulshada ka codsaday inay si weyn isugu diwaan-geliyaan doorashooyinka dalka ku fool leh.

Bulshada ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka weftigu booqdeen ayaa sheegay inay xili hore u diyaar garoobeen diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka qaranka.

Weftigan uu hogaaminayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka ayaa gobolada Awdal iyo Selal u tagay sidii ay bulshada goboladaasi ugu wecyi-gelin lahaayeen diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka iyagoo soo maray deegaano badan oo labadaas gobol ka tirsan kuwa kalena ku jeeda si ay u dardar geliyaan qaadashada kaadhka cod bixinta doorashada.

 

 

 

 

Leave a Reply