Gobolka Selel iyo degaanada hoos yimaad oo laga Bilaabay Talaalka isku-dhafan ee Dabaysha iyo Jadeecada

0
263

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Selel Jaamac Muuse Cige, oo kala diray    shaqaalaha Caafimaadka ee gobolkaasi, kuwaasi oo fulin doona ololaha tallaalka isku dhafan ee   Jadeecada iyo Dabaysha.

Talaalkan isku dhafan oo caruur tiradoodu gaadhayso kun iyo sideed boqol lagu beegsanayo in lagaga tallaalo xannuunada Dabaysha iyo Jadeecada, waxaana fulinaya shaqaale tiradoodu dhan tahay kun ay wasaaraddu u tababartay bixinta talaalkan, sidoo kale   degaanada Miyiga ee aan lahayn waddooyinka gaadiidku maraan ayay   shaqaaluhu lug ku galayaan si dhammaan carruurtu talaalka u helaan.

Isu’duwaha ayaa bulshada gobolka Salel ka codsaday inay qaataan talaalka isku dhafan ee Dabaysha iyo jadeecada,  si ay caruurtu uga badbaado xannuunada laga dhaxlo Dabaysha iyo Jaceedad.

 

Leave a Reply