Maayirka Laascaanood oo Faah-faahin Ka Bixiyay Xaaladda Magaalada

0
202

Laascaanood (Dawan) Maayirka magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay xaaladdihii u dambeeyay ee nabadgelyo ee gobolka Sool ayaa sheegay inay haatan deggan tahay xaakada Nabadgelo.

Waxuu sheegay in xilligan xaaladda gobolka Sool ay dagantahay, isla-markaana maamulka iyo qaybo shacabka ka mid ah ay ka shaqaynayaan adkaynta nabadgelyada.

Maayir Cabdiraxiin ayaa sheegay in kadib isku dhacii ciidamada magaalada laga saaray, si looga fogaado khasaare dhaca, isla markaana xaaladda magaalada loo dajiyo.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in saaka markii ciidamadu baxeen kadib ay qaybo kamid ah shacabku qalalaase ka sameeyeen magaalada lakiin laysla qaatay in aan ciidanka lagu soo celin magaalada si aan khasaaruhu u sii badan, isagoo sidoo kale sheegay in cuqaasha gobolku isla qaateen in magaalada xasilooni lagu soo dabaalo.

Duqa magaalada Laascaanood, ayaa shacabka magaalada ku bogaadiyaya sida xilkasnimada leh ee ay uga shaqeeyeen amniga magaalada ee aanay u samayn rabashadaha, isagoona ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyada.

Waxaa kale oo uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cuqaasha gobolka Sool ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen amniga guud ee magaalada.

 

Leave a Reply