Qaylada, Qaylaa ku Ladhan! Ambaasadoor Kaysar Cabdilaahi

0
245

Hirgalka Heshiiska Dawlada Maraykanka iyo Jamhuuriyada Somaliland oo la fuliyay, Golayaasha Senedka iyo Kongarayskuna ay ansixiyeen, Madaxweynaha Maraykankuna uu saxeexay. Waxaa ku fashilmay dawlado Cadaw ah oo isu kaashaday inay hor istaagaan heshiiskaas taariikhiga ah, ee guusha u ah Somaliland..

  1. Ceelkii Shidaalka oo Somaliland laga qodayo dhawaan, wax kastana loo dhamaystiray oo la daloolinayo, Xukuumada Soomaaliya iyo Dawlado kale oo taageerayayna ay ku fashilmeen inay is hortaagaan, Itaalkooduna uu noqday waraaqo iyo hanjabaado been ah oo ay u diraan Shirkadaha Shidaalka ka qodaya Somaliland.
  2. Dekedii Berbera oo heer Caalami noqonaysa oo la dhamays tiray balaadhinteedii, jidadkeedii waaweynaa ee ilaa Itoobiya isku xidhayay iyo dhismaha Suuqa Xorta ah oo la bilaabayo, dalka Itoobiyana uu boqolkiiba Sodon kala soo degi doono kana dhoofsan doono dekeda Berbera. Horumarkaas ay Dekeda Berbera ku talaabsatayna waxa uu cadawgii Somaliland ku abuuray khalkhal, waxaana Berbera uu Allah ku guuleeyay inay ka adkaato Dawladahii Cadaawada iyo Dagaalka kula jiray Konton Sanadood in ka badan.
  3. Horumarkaas dhaqaale iyo is garabsiga Somaliland iyo Quwadaha Maraykanka iyo Taiwan oo muftaax u noqon kara Jamhuuriyada Somaliland oo Aqoonsi hesha ayaa ah Qodobka Afraad ee ka danbeeya buuqa cadawga Somaliland ee sii laba-laxaadsaday bilahan danbe.

Tabashada bulshada reer Laascaanood oo ah tabasho Xaq ah oo ay waajib tahay in degdeg wax looga qabto, ayay cadawgii Somaliland ee dunida dacaladeeda joogay ku qaylo-darsadeen oo ay iska dhigeen qaar u hiilinaya Shacbiga reer Laascaanood oo ah geesiyaal aan iyagu cidna hiil uga baahan oo ah qaar rabitaankooda iyo cabashadooda muujin kara iyaga oo aan garabsan Cadawga Somaliland ee ujeedooyinka kale leh.

Ugu danbayn Xukuumada Somaliland waxaa la gudboon inay Guddi heer Qaran ah u saarto xallinta arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood, una xusho dad karaamo leh oo ummada reer Sool ay ku kalsoon tahay oo ka kooban Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Qaranka, Xukuumada iyo hormuudka bulshada.

Bulshadu reer Somaliland Muxaafid iyo Mucaaridba waxa iyana waajib ku ah inay kala gartaan Tabashada Xaqa ah ee reer Laascaanood oo ay waajib tahay in wax laga qabto iyo Qaylada Cadawga kusoo hoos gabbanaya ee ujeedooyinka fog leh.

Somaliland ha Guulaysto

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

 

 

 

 

Leave a Reply