Wasiirka Biyaha oo ballanqaaday Codsi bulshada Demadda Gebo-gebo ka dalbadeen

0
223

Geba-gebo (Dawan)- Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) iyo wefdigii balaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo safar shaqo ku marayay deegaanada waqooyiga gobolka Togdheer, ayaa ballanqaaday fulinta codsi bulshada deegaanka Ceel-Dheere u soo jeediyeen.

Ujeedada socdaalka wefdiga Wasiirka Biyaha ayaa la sheegay inuu la xidhiidho dardar-gelinta iyo wacyi-galinta Diiwaangelinta Doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, wefdiga Wasiirka Biyaha oo u kuur galayey xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanadda hoos yimaada degmada Geba-gebo gaar ahaana deegaanka Ceel-dheer, ayaa bulshada deegaanku ka codsadeen inuu wax ka qabto xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta deegaanka Cee-dheer.

Wasiir Md Cali oo dhankiisa ka jawaabay codsiga bulshada, ayaa waxaa uu sheegay in sahankii biyo raadinta Ceel-dheer laga sameeyey meelaha lagu tuhmayo in biyo laga helayo, isla markaana ballanqaaday inuu ku dadaali doonaan sidii degmadaasi u heli lahayd gaadiidka gurmada deg dega ah ee loo yaqaan (Ambalace).

Wefdiga Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo mudooyinkii u danbeeyey safaro shaqo ku marayayey deegaano ka mida gobolada barriga, gaar ahaana goboladda Togdheer iyo Sanaag, iyadoo uu socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu ugu kuur geli lahaa baahiyaha dhanka Biyaha ee ka jira gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

 

 

Leave a Reply