Hay’adda Shaqaalaha dawladda JSL Oo Soo Bandhigtay Qorshe Hawleedka 2023-ka

0
320

Hargaysa (Dawan): Haayadda shaqaalaha dawladda ee JSL ayaa soo bandhigtay qorshe-hawleedka ay ku shaqayn doonto sanadkan cusub ee 2023-ka, iyo sidoo kale waxyaabaha uga qabsoomay qorsheyaashihii sanadkii ina dhaafay.

Kulankii qorshaha cusub ee 2023-ka lagu soo bandhigayay oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay Khaalid Jaamac Qodax, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda, Aamina Xuseen, guddoomiye ku-xigeenka haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

U jeedadda ayaa ahayd in dib u eegis lagu sameeyo qorshe sanadeedka 2023-ka ee haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland iyo in la qiimeeyo waxyaabihii ka qabsoomay qorsheyaashii sanadkii hore.

Sanadkii tegay ee 2023-kii waxaa haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland u qorshaysnaa in ay fuliso 240 hawl-qabad, waxaana ka fulay ama qabsoomay 173, halka aanay 21 hawl shaqo oo qorshaysnaa aanay qabsoomin.

Aamina Xuseen, guddoomiye ku-xigeenka haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa tilmaantay in ay guul tahay in waxyaabo fara badani ay sanadkii tegay u qabsoomeen.

Waxaanay tidhi, “Waxaan rejaynayaa sanadkani inuu noqdo mid sidii kii hore mid ka wanaagsan inuu noqdo, oo aynu u maamuli doono hawlaha inagoo dhamaanteenba gacmaha is wada haysana.

Waana wax lagu farxo runtii sanadihii hore halkay hawshu joogtay, iyo meel ka wanaagsan in ay maanta gaadhay, iyadoo sanadkii u danbeeyay ee inaga dhamaaday uu noqday sanadkii ay ugu shaqadda badnayd haayadda shaqaalaha dawladu”.

Kulankaasi oo muddo laba maalmood ah ka socon doona magaaladda Hargaysa ayaa qorshuhu yahay in lagu soo bandhigo qaabka uu noqonayo qorshe sanadkeedka 2023-ka ee haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Sida uu sheegay Khaalid Jaamac Qodax, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda oo furitaanka kulankaasi hadal ka jeediyay, “Waxaan rejaynayaa in qorshaha sanadka na, sidii kii sanadkii hore in aynu wax fara badan iska waydiin doono sida aynu hawlahaa u qabanayno.

Geediga aynu rarrayno halka aynu doonayno in aynu gaadhsiino, iyo sida aynu u gaadhsiinayna ba, in ay tahay hawl weyn oo qaranku inooga baahan yahay, in aynu maskaxdeena tuujino, oo waax waliba ay soo bandhigto wax qabadka dhabta ah, ee aynu doonayno in aynu hiigsano sanadkan 2023-ka”

 

 

Leave a Reply