WEEDHA WARGEYSKA Shacbiga Laascaanood Uma Baahna In Looga Abtiriyo Somaliland

0
461

Cahdigii casri jaahiliga umaddo badan ayaa waxay ku halaagmeen talo xumo, tudhaale la’aan iyo tami garasho yaraan.

Qoomiyado waaweyn oo qaaradaha adduunka ku dhaqnaa ayaa ku tasoobay fidmooyin yar yar oo dhexdooda ka dhacay, kuwaasoo markii ay balaayada nacfigeeda xun ogaadeen baaqigoodu hormuud u noqdeen nabad-dhiska iyo samo-talinta deegaamada ay ku fasahaadeen.

Geyiga Soomaalida ayaa kamid ahaa dhulkii ay Colaadaha micno-darrada ahi dadka ku nool kala geeyeen, waxaanay ka dhaxashay dhibaatooyin ay wali riiqdoodu sii jirto oo ay kamid yihiin qabyaalada, horumar la’aanta iyo is-aaminaad la’aanta lumisay wada lahaanshihii danta guud.

Umadda Soomaaliyeed oo aynu kamid nahay Somaliland ahaan, mushkiladda aanay wali suulin ee seetada ku haysaa waxa ay tahay Axdi aaminaad la’aan soo dedejisa kala shakiga, kalsooni-darrada iyo u nuglaanshiyaha khilaafka, taasoo haddii la doonayo labada geellu isugu jiro maanta in dhexdooda colli laga dhaliyo si fudud loo kala kaxayn karo, isla markaana laga daaddin karo dhamaan danihii isbaday inay hantidooda xerro ku wada maalaan, isweheshigii iyo nabad-ku-wada noolaanshiyihii ka dhexeeyey.

Inkasta oo wakhtigan casriga ah, dadku wax bartay,nololshu isbedeshay bulshaduna danlayda noqotay dadkeena Somaliland aad uga ilbaxeen fikradihii iyo ficilladii tabnaa ee ku lamaannaa sooyaalka bulsho, sida kala qob-qobnaantii qabaa’ilka ku dhisnayd, meeshana ay ka baxeen waxyaabihii dabarka ku kala xidhayey mujtamaca walaalaha ah, suushayna qalladii shisheeyenimada iyo dareenka cabsiyeed ku lamaannaa, haddana waxa ayaan-darro ah in soo noolaynta dhaqankaas liita ee ragaadiyey jiilashii hore uu noqon karo mid si sahlan dhimbiilo dab ah looga hurin karo, iyadoo dhegaha loogu ridayo dhalinyarada iyo da’yarta halganka ugu jira wax la qaybsiga adduunka wax la yidhaahdo reer Hebel iyo qolo heblaayo ayaa waxaa innagu samaysay, xoog innagu haysata, guusheena hortaagan iyo wax la mid ah, waana mid kamida dhawaaqyada xaqiiqda ka fog, fidmada balaadhanna horseedi kara ee lagu kiciyey shaqaaqada ka dhacday magaalada Laascaanood todobaadkii hore.

Dad masuuliyad iyo xilkas lagu tuhunsan yahay iyo kuwo aan damqasho iyo dareen toona lahayn oo badan ayaa shacbiga xariirta ah ee gobolka Sool, siiba Magaalada Laascaanood ku arbushay buuq iyo muusanoow, kuna dhiidhi-geliyey inay yihiin Umad qabiil ku soo duullay oo haysto, waxa qabiilka laga dhigayaana waa Qaranka Somaliland ee ay kamid yihiin dadka dhistay ee leh, ulama xuquuq siman yihiin muwaadiniinta kale ee Dalka gobolladiisa ku dhaqan.

Wax-aqoonka iyo indheer-garadka bulshada Laascaanood way ogyihiin, waanay fahamsan yihiin badankoodu in aanay aanay aad iyo sal-toona lahayn in deegaankooda cid qabiil, qolo iyo qoomiyad ku abtirsataa xoog iyo xeellad toona ku haysan, hase yeeshee waxa dhici karta in ka jawaabista war-xumo tashiilkaasi dhinacooda laga buun-buunin badiyey,wallow aanay bulshada dhexdeedana u fiicnayn yooyootanku xilligan dawladda iyo samo-talisku xalkooda u fadhiyaan dhacdooyinkii khasaaraha keenay iyo dhaymada dhibbaabihii sibiqda ku dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, in dadka la qaybiyo oo cunfi iyo cuqdad la dhex dhigaa waa shaqo Iblays iyo intii camalkiisa taqaanaa ku shaqaystaan. Kama hadlayno xifaaltannada lagu dheelo kala riixashada siyaasiga ah ama kuwa lamidka ah ee aan reebin xanafta iyo fiixda guntan, hase yeeshee waxa aan ka hadlaynaa waa kala irdhaynta dhaawaca iyo burburka ku keenta masaaliixda, midnimada, wada noolaanshiyaha iyo horumarka umaddeed oo sida muuqata minjo-xaabintooda loo meel dayin, walina sii hurinayaan afmiishaariinta ka hadla baraha bulshada iyo kuwo kale oo caadifad bulqamayaa.

Sidaasoo ay tahay shacbiga Somaliland waa mid, waxaanay leeyihiin dawlad qudha oo ka dhaxaysa Bari iyo galbeed, koonfur iyo waqooyi dhex iyo baallaba. Sidaas awgeed waxa haboon in aanay samaanta ka tegin dadka doonaya inay dabka ku shidaan arrinta Laascaanood, waayo ma jirto fursad iyo faa’ido ugu jirtaa inay shacbi dhan ku hogaamiyaan baylah iyo dayac ama ay isku dirraan iyaga iyo dawladdooda.

Sidoo kale muwaadiniinta reer Somaliland ee gudaha iyo dibada ku dhaqan waxa ku waajib ah inay ka dheeraadaan ficil kasta iyo falcelin kasta oo si uun taageero u siin karta fikradaha shirqoolka ah, sida in loo arko shacbiga gobolkaas ka soo jeeda dad nacayb iyo collaad u qaba Somaliland ama umad dulsaar ku ah Waddanka oo aan u dhalan ee la khasbayo, sidii laga maqlay nin habeen dhaweyd laga waraystay Telefishan oo ku hadlay waxaanay geyin umadda gobollada bariga Somaliland degeni.

Waxaana muhiim ah inay hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanku ay bulshada hormuud ugu noqdaan dhiirigelinta iyo barbaarinta sinaanta dastuuriga ah ee muwaadiniinta iyo in aanay jirin kala lahaanshiyo xuquuqeed oo sharciga innoo qoran ku yaallaa.

 

Leave a Reply