In Laga Wada-Shaqeeyo Xogaha ku Saabsan Baddu Waa Muhiim……” Agaasimaha Arimaha Dibadda

0
383

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Axmed Cabdi ayaa sheegay in qaranka Somaliland ay ahmiyad weyn u leedadahay ka shaqaynta iyo la iska gorfeeyo xogaha ku saabsan arrimaha badda. Maadaama oo ay JSL leedahay xeeb aad u dheer, isla markaana ay xuduud kala ladeehay dalal badan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Axmed Cabdi waxa uu sidan ka sheegay shir lagaga hadlayay arrimaha wadaagga xogaha badda Somaliland oo lagu soo xidhay magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay arrimaha badda iyo waxyaabaha la xidhiidhaaba ay yihiin hanta qaran.

Agaasimaha guud oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Kulankan aad baan u bogaadinayaa, shirkan oo uu inoo furay Wasiirku, waa shir qaranka muhiimd weyn u leh, sababta oo ah badda iyo waxyaabaha la xidhiidhaa waa hanta qaran oo aynu leenahay.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku taallo bogcad Istaraatiiji ah, sidoo kalena ay baddeedu tahay mid istaraatiiji ah waxaanu yidhi “Waddanka Somaliland waxa uu ku yaalaa bogcad Istaraatiiji ah oo muhiimad weyn leh, taas oo ah mid Illaahay siiyay oo Khayri ah, sidoo kale baddeeduna waxay leedahay istaraatiijiyaddaa muhiimka ah, ka dawlad ahaan cid kasta oo nagala shaqaynaysa arrimaha badda sidoo loo horumarin lahaa aad baanu u soo dhawaynaynaa ka dawlad ahaan.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in ay xukuumadda Somaliland ahmiyd wayn siinayso ka shaqaynta iyo horumarinta khayraadka badda iyo ka faa’iidaysigeedaba waxaanu yidhi “In aynu ka shaqayno baddeena oo aynu horumarino baddeena iyada iyo khayraadkeeda iyo ka faa’iidaysigeedaba, waxay bulshadeena u tahay horumar weyn dalkeebaba waxay u tahay dhaqaalk, intaasi waa inta guud. Marka labaad shirkan oo ah mid aqoon badan la isugu keenay waxaa lagu gorfeeyay waxyaabihii ka soo baxay waxaa ka mid ah in laga wada shaqeeyo arrimaha xogaha badda, sidoo kale wixii xeerar ah ee loo baahan yahayna waxaa ka shaqaynaysa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, balse waa in si guud looga wada shaqeeyo oo xogaha badda wadajir ay u wadaagaan dhammaan daneeyayaasha arrimahaasi.”

 

 

Leave a Reply