Somaliland Way Horumaraysaa Meel Adag Ayaana Laga Soo Bilaabay.” Professor: Gees

0
478

Hargeysa (Dawan)- Siyaasi Professor Maxamed Siciid Gees ayaa sheegay in sida qudha ee wax lagu badali karaa ay tahay Doorasho, balse aanay cidina waxba ku helaynin anigaa reer hebel ah.

Maxamed Siciid Gees oo shalay u Waramayay Warbaahinta qaranka ayaa waxa uu tilmaamay in aan loo baahnayn in Warbaahinta laga sii daayo wixii Umadda cadaawad iyo nacab ku dhex abuuraya.

Maxamed Gees oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Hadii nabed la helo wax waliba waa hagaagayaan, Maalmahan waxa aan arkayay Siyaasi qabyaalad ka hadlaya qabyaalada odayaasha Miyiga ayaa loo daayaa.laakiin marka ay dawlad tahay qabyaalad malaha wadada la dhiso waala wada marayaa Dhakhtarka cid kastaa waa tagaysaa Biyaha waa la wada cabayaa, Magaalada qabiil ma shaqaynayo Xisbiyo ayaynu furanay waa doorasho. Somaliland hore ayay u maraysaa meel adag ayaa laga soo bilaabay meel fiican ayay joogtaa, Dhalinyarada ayaana leh mustaqbalka,hadala qaar aan la duubin ayaa jira wixii Umadda cadaawad iyo nacab ku dhex abuuraya haka ka soo daynina Telefishanka, meeshan oo dunsan ayaanu joognay Maanta daarahaa quraaradaha leh ayaa ka dhisan,”.

Sidoo kale Prof.Gees ayaa waxa uu tilmaamay in reer hebela waxba lagu helayn.Waxaana uu yidhi”Sida qudha ee wax lagu badali karaa waa doorasho,wakhtigii qoriga la qaadan jiray waala dhaafay anigaa reer hebela waxba lagu heli maayo,waa in lays Diwaangaliyo oo doorashada laga qayb galo.Dastuurkii ayaa dalka looga codeeyay oo tuulo kasta la geeyay intaas oo doorasho ayaa dhacday,”.

 

 

 

 

Leave a Reply