Wasiirka Deegaanka Oo Furay Kulan Lagu Dejinayo Qorshe-hawleedka Wasaaradda ee Sanadkan 2023-ka

0
283

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL SHukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa kulan hawleed u furay agaasime Waaxeedyada wasaaradaasi, iyo xubno ka mida shaqaalaha.

Kulankaasi oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagaga doodi doonaa dejinta qorsha sanadeedkana cusub ee 2023-ka, ee wasaaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale na waxaa laga wada hadli doona waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii wasaaradda ee sanadkii tegay ee 2022-ka, waxyaalihii la qabtay, waxyaabihii qabsoomayna loo shameystiri lahaa isla sanadkan.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo kulankaasi furtay ayaa masuuliyiinta, iyo shaqaalaha kula dar-daarantay inay ku dedaalaan sidii shirku midho-dhal u noqon lahaa, isla markaana qorshe wanaagsan uga soo saari lahaayeen.

Shukri Baandare, ayaa masuuliyiintii kulan hawleedkaasi ka soo qayb galay kula dar-daarantay in ay masuuliyad iska saaraan sidii loo gaadhi lahaa qorsheyaasha wasaaradda, si loo gaadho hiigsiga wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee sanadkan 2023-ka.

Geesta kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed Cabdilaahi Ducaale, oo furitaanka kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in kulankaasi uu muhiimad weyn u leeyahay wasaaradda iyo qaranka ba.

Waxaanu rejaynaynaa In ay kulankaasi ka soo baxdo warbixin sharaxaysa sanadkii 2022-kii, qorshe hawleedkii aynu dhiganay, maxaa ka hirglay? Iyo maxaa caqabado ah oo inaga hor yimid.

Maxamed Cabdilaahi Ducaale, waxa kaloo uu sheegay in kulankaasi lagu dejinayo qorsheyaasha la hiigsanayo ee wasaaradda Deegaanka, iyadoo laga duulayo tubta qorshaynta qaranka ee lagu jaan-gooyay tiirarka horumarka qaranka.

Leave a Reply