Komishanka Doorashooyinka oo soo Gaba-gaboobay Wejigii Kowaad ee Diwaan-Gelinta Codbixiyeyaasha

0
366

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in goobihii loogu tagalay wejiga kowaad ee diiwaan-gelinta xogohoodii ay ku soo xaroodeen xarunta komishanka doorashooyinka qaranka ee caasimada Hargeysa

Koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay soo gaba’gabeeyeen wajigii koobaad ee diwaangelinta codbixiyayaasha waxaanu bulshada aan isdiwaangelin u soo jeediyay wajiga labaad ee diwaangelintaas.

Waxaanu yidhi.“ILLAAHEYba mahad leh dhammaan goobihii diwaangelintu way soowada xaroodeen, waxa hadda yaala uun goobihii loogu talo galay in ay sii shaqeeyaan 30-ka maalmood, oo maanta 15-kii cisho ee u danbeeyay goobahaasi galeen, muwaadiniinta reer Somaliland waxa aanu leenahay ka faa’idaysta oo ciddii aan hore isu diwaangelin haka faa’idaysataan.

Waxaa aanu aad iyo aad u boggaadinayna bulshada reer Somaliland ee isdiwaangelisay, waxa aanu ka codsanayna in dhallinyarada qaangaadhay ee gaadhay da’dii uu xeerku u jideeyay inay isdiwaangeliyaan inay ilaaliyaan shuruudaha looga baahanyahay, in waalidkood ay damaanad qaadayaan in ay gaadheen da’daas, sababto ah waa sharcidaro anaguna aqbalimayno qof aan gaadhin da’dii loogu talagalay in ay isdiwaangeliyaan, aynu kawada shaqayno sidii diwaangelintaasi nabadgelyo inoogu dhammaanlahayd”

 

Leave a Reply