Xildhibaannada Gobolada Sool iyo Buuhoodle Oo Go’aamo ka Soo Saaray Xaalada Laascaanood

0
434

“Waxaanu si buuxda u cadaynaynaa, in goboladda Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, ay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland…”

 “Waxaanu soo dhawaynaynaa in dawladu qaadatay masuuliyadda dadkii dhintay”.

 Laascanood (Dawan): Xildhibaanadda goleyaasha baarlamaanka JSL kaga jira goboladda Sool, Buuhoodle, iyo goleyaasha deegaanka Laascaanood, Xudun, iyo Taleex, ayaa go’aamo ka soo saaray xaaladda ka taagan magaaladda Laascaanood.

Xubnahaasi oo shalay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xafiiska maamulka gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan doorka ay masuuliyiin ahaan ka qaadanayaan xalinta xaaladda Laascaanood.

War-saxaafadeedka ay xubnahaasi soo saareen oo ka koobnaa 15 qodob oo uu warbaahinta u akhriyay xildhibaan Axmed Casoowe, ayaa ugu horayn Tacsi u direen eheladda, iyo qoysaska dadkii lagu laayay magaaladda Laascaanood sanado kala duwan.

Waxaana ka mid ahaa qodobadii ay xubnahaasi soo saareen in la ilaaliyo nabadgaliyada iyo Xasiloonida gobolka Sool, in wax laga qabto dhibaatooyinkii ka dhacay gobolka Sool, dib u soo celinta iyo wax u qabashadda xaaladda dadkii ka barakacay magaalada laascaanood.

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in goboladda Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, ay ka tirsan yihiin JSL, sidoo kalena waxay xubnahani soo dhaweeyeen in dawladu qaadatay masuuliyadda dadkii dhintay.

“Waxaanu si buuxda u cadaynaynaa, in goboladda Sool, Sanaag, iyo Buuhoodle, ay ka tirsan yihiin JSL. Waxaanu soo dhawaynaynaa in dawladu qaadatay masuuliyadda dadkii dhintay. Waxaanu uga digaynaa ciidamadda amaanka in ay u addeegsadaan Xabad nool dadka mudaharaadaya, sidoo kale dadka banaan baxayaa waa in ay ka fogaadaan rebshadaha keeni kara isku dhaca, iyaga iyo ciidamadda amniga.”

Sidoo kale war-saxaafadeedkaasi ayay ku sheegaan in aan mar na ba la aqbali karin hadaladii ka soo yeedhay qaar ka mid ah bulshadda gobolka Sool, ee sheegayay in ciidamadda qaranka JSL ay ka baxaan goboladda Barriga Somaliland.

“Waxaan mar na ba la garawsan karin, baaqii ay soo saareen qaar ka mid ah bulshadda gobolka Sool, ee sheegayay in ciidamadda qaranka JSL ay ka baxaan goboladda Barriga Somaliland. Waxaanu leenahay, ciidanku wuxuu joogaa dhulkiisii, cid xaq u leh na ma jirto, in ay tidhaahdo ha baxaan” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Xubnahan xildhibaanadda ahaa ayaa war-saxaafadeedkoodda waxay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan wax kastoo tabasho ah oo ay bulshadda gobolka Sool ay qabaan. “Anagoo ah dadkii aad u doorateen goleyaasha Wakiiladda, iyo Deegaanka, waxaanu diyaar u nahay in aanu si Mug iyo Miisaan ba leh kaalintayadda uga qayb qaadano, saluug kasta, iyo wax kastoo Tabasho ah, oo dadka deegaanku ka qabaan dhismaha iyo wada lahaan shaha JSL.

Sida horumarka, iyo addeegyadda arrimaha bulshadda. Sidaa darteed, waxaanu ka shaqayn doonaa in wada hadal lagu dhameeyo, wax kastoo jira” ayuu yidhi xildhibaan Casoowe oo war-saxaafadeedkaasi akhriyay.

Dhinaca kale xunahaasi ayaa warka ay soo saareen waxay qodobka 8 digniin ugu direen cid kastoo hurinaysa, baaqyadda dhiiladda leh, ee keenaya colaadda, iyo nacaybka iyo iska hor keenka bulshadda

Waxaana lagu yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa shisheeye, iyo sokeeya ba dadka garraacaya Durbaanka Dhiiladda, hurinta colaadda, abuuridda nacaybka, iyo iska hor keenka bulshadda, in ay ka waan toobaan falalkaa gurracan. Gaar ahaana waxaanu u digaynaa dadka siyaasadaynaya, arrinta nabad-geliyadda Laascaanood. Ama dawladda Federaalka ha joogaan, ama maamul goboleedyadda deriska inala ah, ha joogaane”.

Waxa kaloo ay qodobka 9 ee war-saxaafadeedkoodda baaq ugu direen xukuumadda Somaliland oo ay ka codsadeen in ay la timaado qorshe cad oo lagu sugayo amaanka gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

“Xukuumadda Somaliland, iyo haayadaheedda amnigu, waa in ay keenaan qorshe Cad, oo lagu sugayo amaanka gobolka Sool, gaar ahaana magaaladda Laascaanood. Lagu na bad-baadinayo hal-doorka bulshadda”.

Ugu danbayn, xildhibaadani ayaa qodobka 15aad ee war-saxaafadeedkoodda waxay ku booriyeen bulshadda gobolka Sool in ay ilaashadaan midnimadoodda iyo nabad-geliyadda beelaha la deriska ah.

Waxa kaloo ay ku baaqeen in dadkii maalmahan ka qaxay magaaladda Laascaanood ay dib ugu soo noqdaan magaaladda, isla markaana in dib loo furro dugsiyadda waxbarashadda, jaamacadaha, iyo mederrasadaha ba.

“Waxaanu bulshadda goboladan ugu baaqaynaa, in ay is dejiyaan, ilaashadaana midnimadoodda, iyo nabad-geliyadda, deris wanaag na kula noolaadaan dadka walaalaha ah ee ay daaqsin, iyo deegaan ba wadaagaan”ayuu lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

 

 

Leave a Reply