Waxaannu Jecel Nahay Nabadda Magaaladeena iyo Gobolkeena” Maayirrada Xudun iyo Taleex

0
317

Laascaanood (Dawan)- Maayaradda degmooyinka Xudun iyo Taleex Maxamed Jaamac Xirsi iyo mudane Cabdirahman Cismaan Aw Aadan ayaa bulshada ku dhaqan gobolka Sool u soo jeediyay in ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo ammaanka Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

Xildhibaanad ayaa sheegay in ay jecel yihiin oo ay bulshada ka codsanayaan sidoo wada-jir wax looga qaban lahaa nabadgelyada iyo ammaanka gobolka, waxaanay taageereen baaqii ay shalay soo saaren xildhibaanada golaha wakiillada ee laga soo doortay gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo xildhibaanada golayaasha deegaanka Xudun iyo Taleex.

Maayarka Degmada Taleex Maxamed Jaamac Xirsi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu Jecel nahay oo aanu rabnaa, bulshadana ugu baaqaynaa in Magaaladeena Laascaanood iyo iyo gobolkeena Sool sidii aynu uga wada shaqayn lahayn nabad galiyadiisa iyo horumarkiisa. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa soona dhawaynayaa Xildhibaanada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (Golaha Wakiillada iyo Guurtida) ee ka soo jeeda Gobolka, sidoo kale waxaanu taageeraynaa baaqii ay soo saareen ku la xidhiidha nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka guud ahaan gobolka Sool.”

Maayarka Degmada Taleex Maxamed Jaamac Xirsi waxa kale oo uu sheegay in ay la dareen yihiiin bulshada gobolka Sool, gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood waxaana uu yidhi “Waxaan bulshada u caddaynayaa in aannu la dareen nahay bulshada ku dhaqan gobolka Sool, iyaga ayaa na doortay, iyaga ayaanu matalnaa, kursigana iyaga ayaa na keenay, anaguna waxa ay qabaan waanu la qabnaa oo la dareen ayaanu nahay, balse waxaanu sheegayaa bulshada waxaanu rabnaa oo aanu doonaynaa in aynu ka wada shaqayno magaaladeena iyo gobolkeena sidii aynu dejin lahayn ee aynu nabadgelyo ugu soo dabaali lahayn ayaa naga iyo idinkaba laidinka rabaa, hadalkuna waxa uu ku urursan yahay warmurtiyeedkii uu inoo akhriyay Xildhibaan Casoowe.”

Maayarka degmada Taleex Cabdirahman Cismaan Aw Aadan ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si mug iyo miisaan leh u taageerayaan baaqii iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay xildhibaanada golaha guurtida iyo wakiillada Somaliland ee gobolka Sool iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi “Waxaanu taageersanahay baaqii uu jeediyay xildhibaan Casoowe iyo Maayarka Laascaanood, shacabkayagana la dareen ayaanu nahay nabadgelyada iyo horumarka Laascaanood iyo Gobolka Sool in la ilaaliyo ayaanu qabnaa oo aanu taageeraynaa.”

Leave a Reply